Addis Ababa: Safaarada Maraykanka oo Digniin Culus Dirtay

 

wpid-images-18Addis Ababa, June 12, 2014 –  Safaarada Maraykanka ee Xarunta dalka Itoobiya Addis Ababa, ayaa digniin culus u dirtay dadka haysta dhalashada Maraykanka ee u safra dalkaas Itoobiya.

Qoraal Safaaradu maanta soo saaratay ayay ku sheegtay in dadka aslkoodu yahay Soomaali ee haysta dhalashada Maraykanka ee galaya kana baxaya Addis Ababa in la waydiiyo su,aalo, isla markaasna ay ciidamada Sirdoonka Itoobiya qabanayaan.

Warbaahinta OgadenToday, waxay shalay daabacday in dad ka soo Jeeda Ogaden oo ka dhoofay Minneapolis lagu xidhay Addis Ababa.

Safaaradu waxay ku wargalisay dadka Maraykanka ee asalkoodu Soomaalida yahay in nay ka digtoonaadan arrimahan isla markaasna qaataan dhamaan aqoonsiga iyo Telleefoonada lagala xidhiidho Safaarada, waxayna haddalka raacisay in nay ka digtoonaadan halista Kooxda Alshabaab ee Alqacida xidhiidhka la leh ay ka fulin karaan Itoobiya.

Safaaraddu waxay si xooggan ugu wargalinaysaa in Muwaadiniintu iska diiwaan galiyaan Bogga Wasaarada Arrimaha Dibada ee loo yaqaan Smart Traveler Enrollment Program (STEP).

Xigasho: OgadenToday Press

U.S. Embassy in Addis Abeba