Waxaa Maanta la Siidaayey Maxaabiis Ururka UWSLF oo u Xidhnayd Dawlada Wadaaga ee Itobiya

 

Addis Ababa – [rasaas],  Maxaabiista maanta la siidaayey ayaa cafiskoodu yimid ka dib kolkii ay nabada dhex martay dawlada Itobiya iyo ururka UWSLF. Maxaabiistan oo ay tiradoodu tahay 7 ruux, ayaa ku kala xidhnaa magaalooyinka Diri-dhabbe iyo Ardi-sababa.

Maxaabiista maanta la siidaayey ayaa ku kala xukunaa dil iyo cimrigaa ha ku furto, waxaa uu la qabtay sanadkii 1996, tan iyo xiligaasna waxay ku xidhnaayeen xabsiyo kala duwan.

Dawladda Deegaanka Somalida ayaa horay u sii daysay dhamaan maxaabiistii ururka UWSLF ee ku xidhnaa jeelasha DDS, kuwan maanta la siidaayey waxay ahaayeen maxaabiistan ugu dambeeyey ee ku hadhsanaa xabsiyada islamarkaasna hada la sii wada daayay dhamaan maxaabiistii ku xidhnayd magaca ururka UWSLF.

Colaadii u dhaxaysay Jabhada iyo dawlada Itobiya ayaa waxaa u xabisan dad kor u dhaafaya 3500, oo ruux. Waxayna maxaabiistu ugu badani ku xidhan yihiin magaca ururka ONLF, oo haatan isaguna wadhadal nabadeed kula jira dawlada Itobiya, ayaa iyagana todobaadkan dhaxdiisii loo sii daayey dad muhiim u ah ururka ONLF.

Waxayna dawlada Itobiya balan qaaday in ay siidayndoonto dhamaan maxaabiista ku xidhan magaca ururka ONLF, inta uu soco wadhadalka nabadu.

Isbadaladan socda ayaa u keeni doona dadweynaha ku nool Ismaamulka Somalida, Isbadal nololeed oo ka gadisan kuii ay ku jireen 17 sano ee ugu dambaysay.

Maxaabiistan ayaa Markii Xabsiga laga siidaayya lagu Wareejiyay Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen iyo Wafdi Balaadhan oo uu Hogaaminayay.

Masuuliyiinta Ururka UWSLF ee Maxaabiistan Lagu Wareejiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Cabdi Aadam oo ka tirsan Xafiiska Arimaha Dibada ee Ururka, Korme Siraad Maxamuud oo ah Madaxa Warfaafinta ee Ururka iyo Masuuliyiin kale. Maxaabiistan ayaa waxaa Gudoomiyaha ku Wareejiyay Wasiirka Arimaha Fedaraalka ee Itoobiya Dr. Shafroow.

Magacyada Maxaabiista laga siidaayay Addis Ababa ayaa kala ahaa:

1) Maxamed Cilmi Liibaan                           Dooloow
2) Maxamed Xaaq Maxamuud Faarax      Wardheer
3) Ibraahim Xasan Naaleeye                        Qalaafe
4) Maxamed Xasan Maxamuud                   Godey
5) Maxamed Axmed Cabdullaahie            Godey

Maxaabiista  laga siidaayay Xabsiga  Diri-Dhabbe ayaa kala ahaa:

1) Muuse Cabdulaahi Xasan      Wardheer
2) Cusmaan Axmed Yuusuf        Diri Dhaba

rasaas.com