Addis Ababa: Desalegn oo Dhabta Saaray Dhaliilayaasha Cabdi Iley

 

Desalegn and Abdi IleyJijig, Apr 20, 2014 – War sir ah oo aan ka helay Addis Ababa, wuxuu sheegay in xubno ka tirsan mucaaradka madaxwayne Cabdi Iley, ay la kulmeen Desalegn.

Xubnaha uu arkay Desalegn, ayaa la sheegay in ay ahaayeen 7 xubnood oo ka mid ah mucaaradka ka soo horjeeda madaxwayne Cabdi Iley. Ujeedada ka dambaysa iyo waxyaabaha uu kala hadlay midna lama faafin.

Magaalada Addis Ababa, waxaa ku sugan dad badan oo Aqoonyahan ah, kuwaas oo hore uga shaqayn jiray ismaamulka Somalida, haatana arimo nabadgaliyo xumo darteed u jooga Addis Ababa.

Xubnahan amaankooda waxaa Addis Ababa ku suga dawlada federalka, waxayna xidhiidh dhaw la leeyihiin madaxda ugu saraysa federalka Atobiya.

Sida aan xogta ku helay xubnaha mucaaradka qaarkood waxay ku jiraan dawlada federalka, qaarna waxay ku sugan yihiin dalka dibadiisa. Sida loo arko, xubnahan waxaa loo diyaarinayaa in lagu badalo madaxwayne Cabdi Iley, kolka laga qash dhaco.

Xidhiidhka u dhaxeeya madaxwayne Cabdi Iley iyo raysal wasaare Desalegn, ayaa ah mid waydsan, laakiin madaxwayne Cabdi Iley, ayaa taageero ka haysta duqay ka tirsan ururka TPLF.

Soo dhawaynta ay madaxda Fedralku u  hayso xubnaha mucaaradka ku ah Cabdi Iley, waxaa saldhig u ah dagaalka qarsoon ee ka dhaxeeya afarta urur ee wadaaga xisbiga EPRDF, oo uu dagaal hoose ka dhex jiro.

Madaxwayne Cabdi ayaa lagu xantaa in uu shaqada ka caydhiyo dadka Aqoonta leh, isaga oo taa badalkeeda shaqaaleeya dad aan waxba ku soo kordhin karin maamulka, laakiin mudeec u ah.