Addis Abab: Urur Gabaleedka IGAD oo ku Taliyey in la Dhexdhexaadiyo Masuuliyiinta Muqdisho iyo Kismayo

 

Addis Abab, Ethiopia, May 24, 2013 – Gudigii xaqiiqo raadinta ee IGAD u dirtay xalinta khilaafka dawlada Somaliya iyo  Jubaland State oo warbxin soo saaray, sheegayna in la dhexdhexaadiyo masuuliyiinta Muqdisho iyo Kismayo, si loo dhawro jiritaanka dawlada Somaliya, loona adkeeyo dhismaha maamul gabaleedka Jubaland State.

 

Gudiga ayaa dhawaan waxay tageen Xamar iyo Muqdisho iyaga oo la kulmay masuuliyiinta labada maamul waa Muqdisho iyo Kismayo oo isku xag xagtay dastuurka.

Gudigii IGAD, ayaa maanta u akhriyey wasiirada arimaha dibada ee IGAD warbixintooda. Waxaana warbixinta la hordhigi doonaa madaxwayneyaasha IGAD si ay go,aan uga gaadhaan.

 

Talooyinka ay gudigu soo saareen oo aan wali qoraal ahaan loo helin ayaa waxaa ka mid ahahaa;

1.  In la heshiisiiyo dawlada Somaliya iyo maalul gabaleedka Jubaland laguna kulan siiyo magaalada Muqdisho, si loo saxo ismaandhaafka jira.

2. Waxaa kale oo ay gudigu ku taliyeen in qodobo ku jira dastuurka Somaliya oo uu ka mid yahay Qodobka federaalka in loo saaro gudi baarlamaan ah oo kaashanaya IGAD, si dib u qorid loogu sameeyo.

3. In Dawlada Somaliya la xaq dhawro wixii dhibaatooyin ah ee soo kordhana ay xalkeeda ka qayb qaadato urur gabaleedka IGAD, si dalku uusan ugu noqon dhibaatooyinkii hore uga dhacay.

4. In dib u heshiisiin ay dawladu u samayso dadka Somaliya, si loo dhameeyo waxyaabah la kala tirsanayo loona abuuro jawi walaaltinimo.

 

Qodobadan ayaa ka mid ahaa qodobada ku jiray qoraalka gudiga IGAD, waxaana loo gudbin doonaa madaxwayneyaasha urur Gabaleedka IGAD oo la sugayo in ay saxiixaan.

Waxaa ugu muhiimsan nuxurka qoraalka Gudiga IGAD in dawlada Somaliya ayna kaligeed waxba samayn karin loona baahan yahay in had iyo goorba ay IGAD ka qayb qaadato talooyinka kama dambaysta ah ee dalka Somaliya inta dadka Somalida ah is-fahamkoodu ka korayo dhinaca dareenka qabiilka.