Abti-doon: “Kol Dhaw Baa Arinta Ogaden Laggaga Hadli Doonaa UN-ta”

 

Dambiile, Abti-doon [maadeey], oo xili 52 wiil oo ka mid ah dhalinyarada uu khalday lagu dilay degmada Goljane [galaalshe], ayuu been aan raad lahayn dhalinyaro aan aqoon lahayn oo reer miyi ah ugu sheekeeyey in qadyada Ogaden mar dhaw laggaga hadli doon qaramad midoobay, sidaas daraadedna ay qaaraanka kordhiyaan “ayaankee Abti-doonow.”

Abti-doon oo aan in dhawaydba la maqal shanqadhii uu ku dhex lahaa kooxda argagixisada ah ee Jwxo-shiil, ayay waraysteen wiilka iyo gabadh ku shirkoobay Duubida masawirka raaciyana codad been ah.

Abti-doon, oo ah nin nacfiga kaliya ee ku jiraa uu yahay afka Ingriiska oos u yaqaan Kooxda Jwxo-shiil, ayaa waxaa laga sheegay in uu yidhi “mar dhaw ayaa qadyada Ogadeniya laggaga hadli doonaa UN-ta” Nin baa laga sheegay “waligay dabo anan lahayn kuma xaarin.”

Waxaa kale oo Abti-doon, laga sheegay in uu yidhi “Ethiopia mar walba dad bay noo soo dirtaa oo waxay naga dalabtaa heshiis nabadeed,”  hadiiba ay arintaasi jirto maxay nabad ku diideen iyo wadhadal, Abti-doon, kolkase isaga oo Kenyan ah nabad laga waydiin Ogaden maa NFD, laga waydiiyo.

Isaga oo iska hadlaya ayuu ku faanay in ay kooxdiisu hayso laba wiil oo Ogadeen ah, oo ka shaqaysanayey hayaddka WFP, kuwaas ay kooxdiisu dhawaan jid u gashay oo ay nin maskiinana dileen labana dhaawaceen.

Maadeey haduu haysashada wiilashan masaakiinta ah ku faanay, horaa loo ogaa waxa uu yahay, kolkii uu hore ugu faanay dilka Dr. Dolal, oo saaxiibkiis ahaa cida kale wanaag ka sugi mayso.

Abti-doon, kolka uu leeyahay qadyada Ogadeeniya ayaa mar dhaw UN-ta laggaga hadli, maxaa ifafaalo ah oo uu cuskanayaa.
Sideedaba inta aan arin la gaynin UN-ta waa in laggaga soo hadlaa qaarad [sida AU] ama regions. Waxaan filayaa, Abti-doon waxaa ashqaraariyey telefoonada saraakiisha WFP, ee raadinaya dadka ay af -duubteen.

Qadyada Ogaden kolkii ugu horaysay ee lagu soo hadal qaaday UN, waxay ahayd 1964, xiligaas oo uu Cabdulahi Maxamed Sacdi, Eebe ha u naxariistee warqad geeyey fadhiga Un-ta. Muddo ka dibna waxaa fadhiistay Golaha Amaanka, waxaana laga hadlay dagaalkii eedii dagaalka oo dhana waxaa la saaray Somaliya.

Hadal qaadkii labaad ee ugu dambeeyey, waxaa uu ahaa sanadkii 1974, xiligaas oo uu Maxamed Siyaad Bare oo ahaa Gudoomiyaha midowga Afrika kaga hadlay fadhiga UN-ta. Sanadkii 1978, fadhigii Golaha Amaanka oo laggaga hadlay dagaalkii 1977, waxaa eedii dagaalka iyo khasaarihiiba la saaray Somaliya.

Abti-doon, hadalkaas qol cidlo ah ayuu ugu sheegay wiilka iyo gabadha ku shirkoobay Duubida masawirada. Kuwaas oo aan odhan karo kaliya waxaa cajabiyey masawirka ay duubaan.

Fahamkayga ruux miyir qabaa hadlkaas ma odhan karo, waxaanse filayaa in Abti-doon xiliga laga duubayey codka waxaa ku kacsanaa xanuunkii dhimirka ee uu qabay iyo malahayga da,adiisa oo sii biirtay.

rasaasa.com