Abaar ka Jirta Degaanka Somalida Itobiya oo Xoolo Badan Ugu Dhinteen Gabalada Qaarkood

 

Gode,Jan 27, 2011 [rasasa] – Dhibaato Abaar oo aad u daran oo laga soo sheegayo Degaanka Somalida Itobiya oo ay Duunyo ugu lee,anayso degaanada ay abaartu ka jirto ee Degaanka Somalida.

Gabalka Shabeele magala madaxdiisa Gode, ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay bilaabatay dhimashada xoolaha nool degaano ka tirsan gabalka Shabeele, ka dib kolkii ay xaaluf dartii xooluhu waayeen baad iyo biyo.

saddex xili oo abaar ah ayaa is raacay, ka dib kolkii la waayey Roobkii Dayrta ee sanadkan ka di,i lahaa degaanka, waxaana hada lagu jiraa jilaal dheer.

Dadka reer miyiga ah ayaa raxan raxan u soo galay Tuulooyinka ugu dhaw, iyaga oo naf la carar ah, ka dib kolkii ay dhaaftay duunyadii ay haysteen dadku. Dadka ayaa waxay u soo hoyanayaan dadka ay ehelka yihiin ee jooga tuulooyinka, waxaana haysta culays xoog leh dadka degan Tuulooyinka.

Abaarta ugu daran waxaa ay ka jirtaa gabalada xadka la leh dalka Somaliya, tuulooyin ka tirsan gabalka Shabeele ee xigga dhinaca xadka Somaliya ayey haysaa Abaarta ugu daran.

Wali ma muuqdaan wax gurmad ah ama qaylo dhaan oo ay samaysay dawladu, lamana filayo in xiligan ay da,aan Roobkii Gu,u.

Dhinaca kale waxaa muuqata in ay dawlad degaanka Somalida iyo dawlada dhexe ay labadooduba ku mashquulsan yihiin arimo siyaasadeed oo la xidhiidha nabadgaliyada iyada oo aan hoos loo eegaynin dhibaatooyinka Abaartu ku hayso dadweynaha degaanka.

rasaasa.com