Wardagdag ah: Dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawac keeney oo dhexmaray ONLF iyo MJXSG

 

December 28, 2008 11:29 AM XOL: Warar hodhac ah oo soo gaadhaya boggan Xaajo ayaa sheegaya in dagaal culus oo gaystay dhimasho iyo dhaawac badan oo labadda dhinac ah uu dhexmaray labddii Jabhadood ee maalmahanba dagaalku la dhexeeyey ee ONLF iyo MJXSG. Dagaalkan lagu sheegay inuu khasaarihiisu ku dhawaan doono kii mar haore kadhacay dhinaca galbeed ee wadanka ayaa wuxuu kaqarxay goob aan dib idiinka soo sheegi doono.

Warkan oo hordhac ah ayaanaan wali helin meesha uu ka dhacay balse inta aan lagaadhin yaa qaaday iyo maxaa loo dagaalamayaa, waxa ay iswaydiintu tahay iskudar labada dhinacoo imisa wiil ayaa lawaayey.

Todobaadkan dhexdiisa ayay ahayd markii Cabdiraxaman Maadey oo ah hogaanka arimaha dibadda ee ONLF garabka Maxamed Cumar uu usheegey uu wareysi ku bixiyey ineysan ururka MJXSG aysan waddanka joogin uguna danbeysay sanadkii 1997 iyagoo Itixaad la yidhaahdo.

Faahfaahinta dagaalka dib ayaan kasoo tabineynaa idamka illaahay.