Sudhayo Seed u Macnayn?

 

Dad badan oo akhrista bogga rasaas.com, ayaa waxay su,aalo ku saabsan erayga sudhayo na soo waydiiyey in aan u micnayno.

Waxaana lagama maarmaan noqotay in aan u jelcino akhristayaalka bogga. Hadaba erayga sudhayo waxaa uu ka soo jeedaa geelayda Ogadeeniya [camel terminology] waxaana loo isticmaalaa gaadiidka aadka loo rarto ee awrta. Awrta oo ah gaadiidka ugu muhiimsan ee dhulka somalida Ogadeeniya laga isticmaalo ayaa waxay ka soo dhaamiyaan masaafooyin aad u dheer iyaga biyaha ka haqab tira xaaska [ oo aan kobtan ula jeedno; maqasha, neefafka tabarta daran iyo caruurta aan awoodin in ay arooraan].

Rigtiga biya jiidaha ah waxaa la saaraa mid uun; afar, lix iyo sideedd iyada oo ay ku xidhan tahay kolba heeryada saaran. Hadab waxaa jirta dhiil la yidhaaho sudhayo oo ay la baryootamaan reerka danleeyda ah ee aan lahayn hayin biya jiidaha ah, dhiishaas Sudhayada loo yaqaan marana waa la ogolaadaa marna waa la diidaa in ritiga hamaha sida dhinac laga sudho.

Hadaba erayga sudhayo halkan waxaan ula jeednaa dadka aan hore halganka ula soconin ama ayna niyada ka ahayn ee kaliya kula socda uun arimo iyaga gaar u ah; shaqo la,aan darteed, qabiil dartiis, hugun raac dartiis iyo ha lagu sheego mid uun. Dadaka noocan ah ee aan lahayn mabda haga [principale gudance], waxay had iyo goor dhibaato iyo wax yeelo u gaystaan halganka, halgamayaalka iyo dhamaan bulshada.

Hadaba, halganka Ogadeeniya waxaa xanibaad aan loo adkaysan karin mudo dheer ku hayey koox kolkii laga yaabay ujeedo xumidoodda iyo hunguriggoodda loogu magac daray Jwxo-shiilo, qoladani iyagu waxaa ay ahaayeen kuwo hal ujeeddo leh taas oo ah in ay hanti kaliya helaan halganka ay soo af jaraan, wayna sameeyeen ilaa xad. Nasiib wanaag ugu dambayntiina shacabka ayaa fahmay hal mar kaliya ayaana dabada dab laggaga dhajiyey wayna kogeen, meelaha ay bulshada wali kaga lamaan yihiin waa dhinacyada madadaalada [Entertainments], waxayna wali ka uruursadaan bulshada aan waxba la soconin shilimo. Jwxo-shiilo iyagga laftigoodu waxay u kala baxaan saddex aynu maqaal dambe ku soo qaadi doono.

Waxaa shirta qoloda ay shacabku qeexi waayeen ee loo yaqaano sudhayada, kooxdani waxay u badan yihiin dadka ay bulshadu u taqaan ciyaal suuqiinta, ma aha dad xishooda ama magac dhawrsada. waxay bulshadu ku macneeyaan in ay yihiin kuwa ugu il adag bulshada; shaqo laaweyaal, sharflaaweyaal ah; nasiib daro kooxdan ayaa waxay arkeen in halganka Somalida Ogadeeniya ay ka muuqdaan god daloolooyin ay u sameeyeen Jwxo-shiiladu, ka dib kolkii la waayey jid iyo jiho loogu soo hagaago, sidaasina waxaa dhinaca ugu dhagay kooxda sudhayo oo kuligood jooga dalalka reer galbeedka. Dadkani hal mar umbaa waxay yidhaahdeen waxaanu nahay ururka ama taageerayaal la ismaba waydiinin waxa ay yihiin waxaa la yidhi kolba hadii ay taageerayaan halganka ha la iska wato.

Waxaana ugu horeysay argooda iyo maqalkooda oo la arko bishii November 2008, kolkaas ooo ay hal mar internetka soo galeen, iyaga oo qufaya wax aan hore loogu arag bulshada Somalida Ogadeeniya, taas oo ah qabyaalad iyo afxumo ayna dhaqan u lahayn bulshada Somalida Ogadeeniya ee gobta ahi. Dadka afxumada iyo cuqdada internetka galiyey waxaa ugu horeeya waa kooxda sudhato oo ay ka mid yihiin dad ay da,doodu kor u dhaaftay 70s jiro oo aan iyagu ciro iyo ciil mooyee aan wax caqli ah lahayn.
Dadkani waxaa ay kuligood dabada saarayaan in ay qabaan cuqda nafsiya ay u qabaan dadka ay la dhasheen oo aan iyagu waligoodba waxba u dhimin wax ay u taraan mooyee.

Waxaan isweydiiyaa maxaa walaaleeyey dadka aan garanayo, oo kaliya walaaltinimo ma ahaa ay u noqdeen halgan sudhato, oo waa yaabe halganka ayaa wax laga qoraaye ay afxumada iyo xumaanta shaqsiyadeed ay ugu bilaabeen, waa yaab hadaad aragto boggaga ay wax ku qoraan min bilow ilaa dhamaad waxay ka buuxiyaan cayda dadka ay la dhasheen. Hadii ay yihiin dadkani dad halgan u jeeda maxaa maalina loo arki waayey iyaga oo hal qormo wax kaga sheegaya halganka wanaaga uu lee yahay.

Waxaa in badan laga aamusnaa sudhayo [suudhleey] wayse noo tahay, dadkan iyagu caadaystay cayda qabiilada iyo shaqsiyaadkeeda waxaa la xaqiijiyey in ay ugu horeeyaan kuwo ay caloosha uga buuxdo xumaan iyo kuwo ay duufsadeen kuwa ay xumaantu caloosha uga buuxdo waxaa ka mid Maxamed Ismaaciil [Qaaxo], Ina Maryama aggan, MR. Garaabo, Idhabiyo iyo Duq jooga London. Kuwa iyagu la duufsaday ee iyaguna xuumaatada samaynaya waxaa ka mid ah; Sheekeeye, 1000 shaatiile, Ibrahin Uule, Xuseen Nuur iyo qaar kale.

Waxaa xaqiiq ah in aan halgan iyo jabhad toona loo jeedin ee waxa loo jeedaa ay tahay in la ceebeeyo beel aad u sharaf badan oo ka kortay wax la ceebayn karo [Qolotayn], ruux alaale ruuxii isku daya in uu wax yeelo u gaysto ama dhibaato aan jirin abuuro, waxaa xaqiiq ah in abaalkooda la marin doono. Dhibaatooyinka ay kooxdani wado waxay halis u keeni doonaan dadweynaha wada dhashay ee Somalida Ogadeeniya, halgan ninkii doonayaa waxaa uu isu dumaa halgamayaalka waxaana uu bulshada u sheegaan wanaag.

Ku halqabsiga halganka dhibaataysan ma keenayso wanaagiisa ee waxay keeni uun qaybsanaan iyo in la isu xoog sheegto oo la iloobo danta guud.

Waa iga dardaarane yow diga axmaarada.

Arimaha Bulshada
rasaas.com