Doqontu Qiiq Kama Kacdee Daankay Meermeerisaa

 

Kariimkii ku uuntaan Caqliga koobo uu darin, kol horaad shacabiga keen ihiyo kaabi layd samo’e doqon baan kobtii loo diroba libin ka keenayne, kuudud oo ku dhimo waakan oo shacabki kaa yaacye.Garashada iyo Caliga Ilaahay ayaa bixiya ruuxbana in buu ka siiyaa, Ilaahayse eed ma leh oo isaga ayaa dadka sida uu doono ka yeela. Waxayse dadku jecel yihiin in ay ahaadaan kuwa ugu caqliga badan; waxaase rabitaankooda beeneeya ama rumeeya dadka ay la nool yihiin.

Hadab siyaabo badan ayaa loo baadhaa inta uu ruuxa caqligiisu la egg yahay dalalka houmaray uma baahna in ay dadku iska yidhaahdaan hebel waa caqli badan yahay balse waxaa jira qalab lagu baadho maskaxda Intelligent quotient [IQ].

Hadaba dunada inteeda kale qoomiyada waliba si ay iyadu taqaan ayey u baadhaa caqliga oo ay ku cadeeyaan in ruux lee yahay cali ku filan dhaqmaadkiisa iyo dad la noolaanshihiisa iyo waliba in uu hogaamin karo bulshada iyo in kale.

Hadaan u soo noqono dhaqanka Somalida iyo sida ay u tijaabiso dadka iyagu aan lahayn garaadka fiican waa si laysla yaqaan. Waxayna u kala qaadaan heer heer [categories], heerarkaas oo mid walba ay lee dahay magac gaar ah.

Magacyada ay Somalidu ugu yeedho dadka aan lahayn garaadka wanaagsan sida ay doontaba arintaasi ha ugu timaado ruuxa waxay kala yihiin; Doqon, Caran, Sawac, Sirqe, Dhandhaan, Maraan iyo Iwm. Intaas waa magacyada loo yaqaano, laakiin waxay lee yihiin sifayno aad u badan oo la raaciyo magacyadaas.

Erayada ku magacyada ku soo aroora xaga garaad wax ka sheega midka ugu soo noqnoqodka badan waxaa weeye Doqon, waxaana ku soo aroora hal ku dhagyo iyo maahmaahyo aad u fara badan oo lagu tilmaamo, arintani waxay ku tusaysaa in Doqontu ay dadka ku dhex jirto balse la garto uun marka ay hawl qabato sidaasina ay ku yimaadaan sifooyin badan loogu yeedho.

Hadaan qaadano, maahmaahda ciwaankeena ee ah Doqontu Qiiq kama kacdee daankay meer meerisaa; Dulucdu waxay tahay Somalidii hore ee miyigu waxay isku diirin jireen kolka ay dhaxantu jirto dab, dabkana waxaa laga samayn jiray qoryo, qoryaha oo qaarkood qumaati uma shidmaan oo qiiq bay bixiyaan. Nin Caaqil ah ayaa waxaa uu arkay nin dab qiiqaya kor fadhiya oo aad u qufacaya oo kolba dhinac u jeedsanaya, waxa kaliya ee ninkaas la gudboonaa waxaa uu ahaa in uu iskaga kaco qiiqa. Caaqilkii ayaa intuu aad u dhawray ku yidhi doqonin qiiq kama kacdee daankay meer meerisaa. Sidaasi ayeyna ku noqotay Maahmaah taabo gashay oo ay dadku adeegsadaan marka ay arkaan ruux maahmaadan ku sifooba.

Waxaa dhab ah in maahmaahdani taabanayso dhinacyo badan oo ku saabsan dhaqmaadka aduunka. Hadaan u soo noqdo qotada ujjeedadayda Maahmaahda waxaan salka u saari Maxamed Cumar Cismaan oo mar ahaa Gudoomiyaha ururka Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo]. Jabhada Somalida Ogadeeniya waxaa uu aasaaskeedu ahaa 1984, waxaa uu dhaqdhaqaaqeeda siyaasadeed soo if baxay dhicidii xukuumadii Xayle Maarya, kolkii ay talada Itobiya la wareegtay Jabhad TPLF, dhaqdhaqaaqa Ciidan ee Jwxo waxaa uu bilowday 1994 kolkii ay ciidamada Tigreegu damceen in ay muquuniyaan shacabka Somalida Ogadeeniya.

1992 – 1998 labo goo ayey Jwxo yeelatay shirweyne ay shacabku ka soo qayb galeen oo madax lagu doortay, waxaana markii ugu dambaysay Jwxo u doortay gudoomiye Maxamed Cumar Cismaan oo qisadiisa ay dad badani ku sifeeyaan in ay la mid tahay Qisadii [Fircoon iyo nabi muuse] dhexmartay. Hadaba xeerka Jabhadu waxaa uu dhigayaa in afar sanoba la qabto doorashao [election], tan iyo intii uu yimidna waxaa uu barbar iska dhigay wax la yidhaahdo doorasho, waxaana uu u qaatay in uu isagu lee yahay Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya oo sida aan qabo ah mid u dhaxaysa dadka dalka u dhashay oo dhan midba meeqaan uu ka gaadhaba.

Tan iyo intii uu gudoomiyaha noqday Maxamed Cumar Cismaan waxaa Jabhada soo foodsaaray dhibaatooyin badan oo la xalin lahaa hadii ay xigmadi jirto. xigmad xumi darteedna waxay qaaday wado ah ama idaaya ama had dunto, Ciidamadii loo soo tababo baray Jwxo ee ay dhaqaalaha iyo maskaxda ku bixiysay ayaa waxay miciin bideen cadowgii la doonayey in ay la dagaalamaan [ kub miyaan ka jabay biixi aan kabayo loo haynin], ma kuwii aan anigu soo tababo bartay ayaa maanta idilaya.

N/hurayaalkii wax walba u beelay halganka dartii ayaa si qabiila ah xabad dhafoorka laggaga dhuftay, ma shacabkii sharafta lahaa ee dhibaato oo dhan halganka taageeristii ay u soo gaadhay ayaa maanta meel cidlo ah ka taagan oo iyagu qoryaha isu haysta.

Rag horaa yidhi doqon qiiq kama kacdee daankay meer meerisaa, dhibaatooyinkaas dhacaya iyo kuwa laga yaabo in ay dhacaanba u sheeg cidii garanaysa.