MUJAAHIDIINTA MJXSG, IYO CIIDANKA GUMAYSIGA OODAGAAL KUDHEXMARAY DEEGAANO KATIRSAN GOBALKA QORAXAY.

 

Ciidanka Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed UWSLF, ee kahowlgala gobalka Qoraxay ayaa sheegaya in uu maalintii shalay oo, ay taariikhdu ahayd 8/5/09 uu dagaal koobani ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka gumaysiga Itoobiya deegaano ka tirsan gobalka Qoraxay.

Dagaalkan ayay Mujaahidiintu sheegeen in uu ahaa isku dhac ku bilowday si kadisa,waxayna sheegeen in ay halkaa isku waydaarsadeen ciidanka gumaysiga rasaas xoogan oo mudo kooban soconaysay.

Majiraan dhanka Mujaahidiinta wax Khasaare ah oo kasoo gaadhay dagaalkaas, dhanka cadowga ayay Mujaahidiintu noo sheegeen in ayna cadayn karin khasaaraha soo gaadhay inta uu la,egyahay.

Dagaalkan waxaa noo xaqiijiyay Sargaal sare oo ka tirsan Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed, UWSLF kaasoo lagu magacaabo Maxamed (Oogle).
Mujaahidiinta ayaa xoojiyay wakhtiyadan dambe howlaha ay kawadeen gobalkaasi.