Rumayso ama Ha Rumaysan!

 

Harar – Ogadeeniya [May 5, 2009], Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Harar ee  xarunta  u ah taliska ciidanka Itobiya qaybta qaabilsan Ogadeeniya, ayaa Waxay xaqiijinayaa in Jwxo-shiil uu dhaawac culus yahay. Dhawacan ayaa Jwxo-shiil soo gaadhay bishii February 20, 2009 meesha la yidhaahdo Isdabadaga oo ka tirsan gabalka Jarareed Zone Sulul.

Gobataas waxa ku shahiiday Eebe Naxriistii Jano ha siiyee dhawr Naftii hore oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee kooxda Jwxo-shiil. Waxaa kale oo islamaalintaas la sheegay in uu dhaawac yahay Jwxo-shiil.

Waxaan iyagu marnaba soo hadal qaadin kooxda Jwxo-shiil xaalka uu ku sugan yahay Jwxo-shiil. Waxaadna moodaa in ay jirto ismooga moogaysiin badan, madaama uu wali nool yahay.
Waxaa la xaqiijinayaa in uu qabo dhaawac culus, waxaanse la xaqiijin karin in ay Itobiya dawaynayso iyo in ay gacanta ku hayaan kooxda Jwxo-shiiladu.

Waxaase loo badinayaa in ay ciidamada Itobiya dawaynayaan. Waxaa Isweydiin leh laftigeedu hadii ay dhabtahay sababta ay Itobiya u qarinayso dhaawaca Jwxo-shiil.!

Si kastaba ha ahaatee magac bilaash ma baxo, Jwxo-shiil, dad iyo duunyo wixii ay lahayd ummada Somalida Ogadeeniya dabka ayuu saaray isna kama dambaynin.