Abiye Ahmed oo Baaho u Bixi Doona Bishan

 

Jijiga, Oct 1, 2018 – Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo safar yabooh ah ugu bixi doona bisha October wadamada Yurub.

Raysal wasaaraha isbadal doonka ah ee Itoobiya, waxaa soo foodsaaray culays dhaqaale, ka dib kolkii maalgashigii, wax dhoofintii iyo wax soosaarkii hoose u dhacay, lacagaha qalaad ayaa cidhiidhi galay.

Colaado ku salaysan isir nacayb, xuduud durgsi qoomiyadaha u dhaxeeya iyo siyaasado iska soo horjeeda ayaa wadanka ku jiidaya in dhaqaaluhu hoos u dhaco.

42 jirka Abiy Ahmed inta uu booqashada Yurub ku joogo wuxuu madaxda dalalka Yurub u sharxi doona sida dalkiisu gacan qabasho dhaqaale ugu baahan yahay.

12kii sano ee u dambeeyey dhaqaalaha Itoobiya kor ayuu u socday, wuxuuna ka maarmay lacagihii iyo raashinkii kaalmada ahaa ee aduunku horay u siin jiray.

Hanaanka kordhka dhaqaalaha Itoobiya waxaa sabab u ahaa iyada oo uu dalku qaatay hanaanka korinta dhaqaalaha ee dalka Shiinaha, kaas oo ay ka faa,iideen dalal badan oo aduunka ah.

Dhinaca kale xoriyada hadalka iyo furfuraanta siyaasada ayaan hore looga ogolayn Itoobiya, waxaan haatan Itoobiya ka jira “hadal adoo gaajaysan” horenayna “aamus adoo dharagsan.”

 

Share this Post

 

Related Posts