Maydka Ruux Soomaali ah oo Laga Helay Saaka Suuqa Jijiga

 

Jijiga, August 30, 2018 – Ruux gawracan oo Soomaali ah ayaa saaka laga helay maydkiisa Suuqa wayn ee Jijiga, sida uu noo soo sheegay wariyahanaga Jijiga. Maydka waxaa korkiisa ku yaala mindiyo aad loola dhacay oo ku yaal jidhkiisa inta badan.

Ma jirto cid sheegtay dilkan, mana muuqato in ay cidina sheegan doonto.

Sida ay ilo xog ogaal ah noo sheegeen, dilalka waxaa ka dambeeya ciidamada militariga Itoobiya iyo iyagu sugan habeen iyo maalinba gudaha magaalada Jijiga.

Shalay waxaa magaalada Jijiga la keenay 15 ruux oo mayd ah, kuwaas oo dilkoodu ka dhacay magaalooyinka Baa,bili iyo Tuli-Guuleed.

Sida aan horay u sheegnay, magaalada Jijiga waxaa habeen walba ka dhaca dilal iyo kufsiyo xiliyada habeenkii ah loo gaysto dhalinyaro Soomaali ah.

Tan iyo bishan aynu ku jiro bilowgeedii waxaa deegaanka Soomaaida gacanta ku haya ciidanka militariga Itoobiya, ka dib kolkii ay dawlada dhexe meesha ka saartay maamulkii uu hogaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar.

Deegaanka kama jiro wax maamul ah, cabsi xoogan ayaa haysata shacabka Soomaalida, amaanka ayaa cidhiidhi sii galaya maalinba maalita ka dambaysa.