Raysal Wasaaraha Itoobiya ma Xurmayn Deegaanka Soomaalida

 

August 24, 2018 – Raysal wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed ayaa tan iyo intii uu yimid hogaanka Itoobiya u gaystay deegaanka Soomaalida dhibaato xoog leh oo aan ka dhicin deegaanada kale ee Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu magaalada Addis Ababa ugu yeedhay 1,000 ruux oo Soomaali ah. Dadkan ayaa isugu jira odayaasha dhaqanka, aqoonyahan, masuuliyiintii dagmooyinka deegaanka Soomaalida, dad shaqaale iyo xubihii xisbiga oo muddo labaatan bari ah tababar iyo dib u habayn uga socotay Addis Ababa.

Shirkan waxaa kale oo ka qayb galaya ganacsato, ururo siyaasadeed oo qurbo joog ah iyo dad Soomaaliyeed oo dagan Addis Ababa.

Marka laga reebo dadka maamulka ka tirsanaa, dadka kale ee shirka loogu yeedhay si nidaam ah laguma soo xulin, sidaas daraadeed ma matalayaan bulshada deegaanka Soomaalida.

Khaladaad badan iyo waayo aragnimo la,aan ayaa ka muuqata shirkan Raysal Wasaaruhu u qabanayo Soomaalida, waxaa kale oo ay dad badni aaminsan yihiin in uu ula kac u samaynayo arintan isaga oo ku baadhay bal heerka uu taagan yahay fahamka iyo tashiga deegaanka Soomaalidu.

Khaladaadka uu ku samaynayo Soomaalida R/wasaaraha Itoobiya.

  1. Abiy Axmed wuxuu kula dhaqmay deegaanka Soomaalida nidaam ka kuwan kan lagula dhaqmo deegaanada Itoobiya, oo aan ahayn dastuurka u yaal dalka;
    a) waxaa xoog kula wareegay maamulkii deegaanka Soomaalida ciidamada milatariga, taas oo deegaanka u horseeday barakac, bubur dhaqaale iyo dib u dhac xoog leh, b) waxaa laga jaray deegaanka Soomaalida dhamaan adeegyadii halbawlaha u ahaa nolosha bulshada sida Korontada, Biyaha iyo isgaadhsiinta.
  2. Waxaa si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii xisbiga dimoqraatiga shacabka Soomaalida, taas oo aan suurto gal ka ahayn deegaanada kale ee Itoobiya;
    a) xubnaha xisbiga waa la handaday, lana bah-dilay, qaar badan ayaa xisbiga laga caydhiyey, gudoomiye cusub ayaa loo sameeyey,
    b) waxaa kale oo si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii maamulka gabalada iyo dagmooyinka, kuwaas oo la filayo in qaar ka mid ah la caydhin doono,
    c) qaar ka mid ah xubihii xisbiga laga caydhiyey oo damcay in ay safraan waxaa lagu xidhay Hargaysa, amar uu bixiyey Abiy Axmed,
    d) waxaa si sharci daro ah oo aan wali uga dhicin deegaanka Soomaalida iyo kuwa kale ee Itoobiya madaxwayne looga dhigay qof aan ahayn xubin xisbi iyo xubin baarlamaan midna.
  3. Waxaa sumcad xumo iyo ixtiraam daro ugu filan dadwaynaha deegaanka Soomaalida, oo ah deegaanka labaad ee ugu balaadhan Itoobiya in sidii dad aan deegaan lahayn, iyaga oo aan wada tashan, xili fiican la siin oo ay ku tashadaan in sidii ciidan amar lagu siiyo in ay Addis Ababa iska soo xaadiriyaan. Abiy Axmed uma jeedo in uu wax wanaajiyo laakiin wuxuu hubsanayaa bal in Soomaalidu is-difaaci karto iyo in ay ogoshahay wixii loogu taliyo, wuuna helay jawaabtii.

Aniga iyo hankayga Soomaaliga ah, ee aan ahayn hanka kuwa Soomaalida ah ee Addis Ababa looga yeedhay; wuxuu ahaa in Abiy Axmed yimaado magaalada Jijiga, kana tacsiyeeyo, wixii ka dhacay dhib deegaanka Soomaalida ee ay masuulka ka ahaayeen Abiy Axmed iyo Cabdi Maxamuud Cumar.

In uu sheego in ay u diyaar garoobaan kulan wada tashi ah xili dambe, si ay ugu diyaar garoobaan degmo degmo iyo gabal gabal iyo deegaan Soomaaliyeed ahaan.

Meles Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya oo ahaa nin dhibaato badan u gaystay dadwaynaha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana deegaanka. Waligii ma samayn ixtiraam daro tan oo kale ah, xiliyadiisii oo ay nabada deegaanku ka xumayd, dhaqaalaha iyo isgaadhsiintu ka liidatay wuxuu tagi jiray magaalooyinka fog fog ee deegaanka si uu wada tashi ula sameeyo deegaanka Soomaalida, arintaasi waxay ahayd ixtiraam uu u muujinayo shacabka.

Maxaa laga filan karaa waxa uu u sheegi doono Abiy Axmed dadkan uu ku amar ku taaglaynayo;

  1. a) in uu ka xunyahay wixii ka dhacay deegaanka Soomaalida b) in uu masuul ka ahaa Cabdi Maxamud Cumar wixii ka dhacay deeganka Soomaalida
    c) iyo in uu saxayo maamulka deegaanka Soomaalida uuna rabo in ay gacan siiyaan maamulka cusub ee dimoqraatiga ah.

In kasta oo madaxwaynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Musfate Cagjar shalay bixiyey talooyin fiican oo sida aan filayo fariin u ahaa dadka kulanka ka qayb galaya. Maxaa afkaar, talo iyo su,aalo ah oo laga filan karaa in ay kula xaajoodaan Abiy Axmed Raysal wasaaraha Itoobiya dadka Soomaaliyeed ee uu maanta Addis Ababa Shirka ugu qabanayo; a) waxaan filayaa in wax wanaag u ah dadka Soomaaliyeed oo Itoobiya ka nixin kara in aan goobta laga odhan doonin. b) Dimoqraatiyada ka hirgashay Itoobiya waanu ku faraxsanahay, waanan la shaqayn doonaa Abiy Axmed iyo dawladiisa, hadalo noocaas ah ka filo. c) kala dacwood beelaha Soomaaliyeed dhaxdood ah oo ah mida uu u jecel yahay Abiy Axmed iyo Itoobiyaba. d) waxaa dhici karta in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaan ahaan deegaanada Oromada dhib wayna loo gaystay in ay su,aal waydiiyaan uuna jeclaysan Abiya Axmed.

 

Waynu arki doonaa wax ka soo baxa galabta kulanka kaligii tashade Abiye Axmed, ugu yeedhay dadwayaha Deegaanka Soomaaliyeed. Kaas oo aan aad u falan qayn doono.