Emaratka Carabta oo Samaynaya Tuubooyin Saliida Qaada oo Isku Xidhi Doona Dakada Casab iyo Caasimada Itoobiya.

 

Addis Ababa, Aug 10,2018 – Dawlada Isutaga Emaaraadka Carabta aya dhisaysa dhigida tuubooyinka shidaalka qaada oo isku xidhaya Caasmara iyo Addis Ababa. Warkan ayay faafisay warfarfaainta ku hadasha afka dawlada Itoobiya ee Faana maanta oo Jamce ah.

Warkan waxaa lagu cadeeyey kulan Addis Ababa ku dhexmaray Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy, wasiirka iskaashiga xidhiidhka caalamiga ah u qaabilsan dawlada Imaaraadka.

Heshiiskan ugu dambeeyay ee ay kala saxiixdeen labada dal, waxaa uu ka mid yahay ku lug lahaanshaha Emaaraadka Carabta ee arimaha geeska Afrika.

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa door-wayn ka ciyaaraysa daaha gadaashiisa isu soo dhawaynta Eriteriya iyo Itoobiya, iyada oo dhinaca kale ay sii kala fogaanayaan dalalka Soomaaliya iyo Jibouti.

 

Heshiiskan lagu dhigayo tuubooyinka saliida qaada ee isku xidhaya labada caasimadood la sheegin meesha ay ka imanayso saliida ay tuubooyinku qaadi doonaan.