Daganaan La,aan Siyaasadeed oo ka Jirta Gabalka Soomaalida

 

Jijiga_EthiopiaHa seegin faaladan: Ethiopia waxaa la sheegaa in tahay dimoqratik federal system, sida ku qoran dastuurkeeda, taas oo aan dhab ahayn.

Ethiopia haatan waxay u qaybsantahay 9 soon oo federal ah, afar soon ayaa ku midowday halka xisbi ee talada dalka haya, shanta soon ee soo hadhayna waxay hoostagi jireen xisbiga Tigray (TPLF), oo ahaa xisbiga ugu awooda badan afarta xisbi ee ku midoobay (EPRDF).

Ethiopia 27kii sano ee ugu dambaysay waxaa awood ciidan ku xukumi jiray si dadban xisbiga Tigray (TPLF).

Mudaharaadyo badan oo lagaga horjeeday xukuumaddii tagtay ayaa muddo saddex sano ah ka socday dalka. Si xal loo gaadho, xisbiga EPRDF wuxuu qabsaday shir socday muddo bilo ah. Xisbigu wixii isla qiray in uu jiro musuq baahsan iyo khaladaad si wada jir ah uu u galay xisbiga EPRDF. Waxaana lagu tashaday in la isa saxo, lana doorto hogaan cusub oo wax ka qabta dhinacyada musuqa iyo awooda dheeraadka ah ee koox gaar u yeelatay.

Abiye Axmed oo Islaam iyo gaal u dhaxeeya, ayay EPRDF u dooratay in uu noqdo R/wasaaraha cusub ee Ethiopia oo la rabo in uu wax ka qabto dalka.
Maalmo kooban ka dib, Abiye Axmed wuxuu bilaabay arimo siyaasadeed oo aan farax galinin xisbiyadii ku midoobay EPRDF. Talaabooyinka oo ka qaaday dhinacayada; arimaha gudah iyo arimaha dibadaba. Abiye Axmed wuxuu xil ka qaadid dag dag ah ku sameeyey saraakiishii ciidanka ee ka soo jeeday TPLF. Wuxuu gaar ka dhigay telomunikashinka, Ethiopian Ariline iyo qaar kale oo badan. Wuxuu xabsiyada ka siidaayey wax alaale wixii siyaasad u xidhnaa oo dhan, Eriteriya oo uu heshiis nabadeed oo dag dag ah la galay, kana tanaasulay wixii ay Ethiopia isku haysteen. Wuxuu ugu baaqay ururadii mucaarka ahaa in ay dalka yimaadaan si looga wada shaqeeyo siyaasada cusub ee dalka oo aan loo kala sokaynin.

Siyaasada arimaha dibada, oo dhamaan dalalka dariska uu cagihiis ugu tagay uguna baaqay nabad iyo wada shaqayn dan guud ah. Talaabooyinka dag daga ah ee aan talada lahayn ee Abiye Axmed qaaday, waxay keentay shaki xoog leh, oo loo arkay in uu ku doonayo in uu kaga takhaluso xukuumadii hore iyo wixii ku keeni kara isaga culays siyaasadeed.

Dag Daga Abiy Ahmed
Abiye Ahmed Taladiisa iyo go,aan qaadashadiisa ma ahayn mid ka imanaya xisbiga uu madaxda u yahay ee EPRDF, laakiin sida la sheego waa mid ka yimaada, hogaanka Qoomiyada Oromada iyo shakhsiyaad mucaarad ah oo iyaga laftigoodu Oromo ah. Qoomiyada Axmaarada, maadaama ay hore Oromada iskaashi mucaaradnimo u lahaayeen, haatana waxaa muuqata in ay dhinaca siyaasada ka midaysan yihiin, maadaama ay yihiin labada qoomiyadood ee ugu badan Ethiopia. Arintaas markhaatigeedu waxay ahayd safarkii uu Abiye Axmed ku tagay cariga Maraykanaka oo ujeedadiisa ugu wayni ay ahayd in uu kasbado qurbo joogta reer Ethiopia. Menisoto iyo meelihii kale ee uu kulanka qurbo joogta ku qabtay waxaa ka muuqday, waxa an ka turjumayn midnimada Ethiopia, labo calan oo kala ah kan mucaaradka Oromada iyo Mucaaradaka Axmaarada ayaa hadheeyaay goobta. Ma jirin calanka dawlada federalka ah ee sharciga u ah dalka Ethiopia.

Dad yar oo qurbo joog Soomaaliyeed ah oo su,aal waydiiyey Raysal wasaaraha Ethiopia, waxay goobta kala tageen quus, ka dib kolkii la waydiiyey su,aal ahayd, imisa ayey qoomiyada Soomaalidu ku yeelan shidaalka gabalkooda laga soo saaray, wuxuu si raqiis ah ku yidh ma hubo lakiin waa 5-10%. Af siyaasi ma aha xitaa haday dawlada Ethiopia dhagartaas u hayso dadka Soomaaliyeed.

Siyaasada qasan ee Ismaamulka Dagaanka Soomaalida  

  In kasta oo taladii dagaanka laga qaaday, hadana Cabdi maxamud Cumar, dad badani ilaa iyo haatan waxay u haystaan in uu yahay madaxwaynaha sharciga ah ee dagaanka Soomaalida. Cabdi waxaa uu ahaa madaxwaynihii ugu maamulka dheeraa dagaanka. Waxaa kale oo uu ahaa madaxwaynihii ugu awooda banaa ee abid soo mara Ismaamulka Soomaalida. Cabdi waxaa uu awoodaas ku helay wuxuu si hagar la,aan ah ugu shaqayn jiray Ethiopia.
Cabdi Maxamud Cumar wixii hada ka horeeyey waxaan u haystay in ay neceb yihiin dadwaynuhu, haatanse waxaan ogaaday in uu ahaa nin ay aad u jecel yihiin.

Maxaa keenay in uu ka kasbado galgacalkaas dadwaynaha dagaanka Soomaalida?

Waxaa la ii sheegay in Cabdi uu soo celiyey awoodii dadka Soomaaliyeed, talada gabalkanu ay gacanta ugu jirtay dadka Soomaalda. Dadka Itoobiyada sare wuxuu tusay in ay dagaan ku joogaan laakiin uu dhulkani yahay dhul Soomaaliyeed oo xiligan ka tirsan dalka Ethiopia.Wuxuu wax ka qabtay dhinaca awooda ciidanka, nabadgaliyada, mamulka, dhaqanka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo taakulaynta dadka danyarta ah. Waxaa jira dhinacyo xun oo uu lahaa laakiin qoraalkan kuma sheegayno.

Dad mucaarad ku ahaa Cabdi Maxmud Cumar ayaa jeclaystay in uu qayb ka noqdo isbadalka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay. Dadkaasi waxay isugu jireen dad qurbo joog ah oo ay isfahmi waayeen, qaar maamulkiisa laga eryay iyo odayaal ay isku fahmi waayeen sida uu wax u wado. Abiye Axmed, oo meel uu u soo maro la,aa Cabdi Maxamud umar oo ay hore isugu dhaceen maamulka Oromada oo uu qayb ka ahaa, ayaa dhinaca saaray mucaar isku uruursaday Addis Ababa oo aan sharci ka ahayn dalka Ethiopia. Abiye Axmed si aan sharciga waafaqasanay ayuu dhaqaale ugu bixiyey mucaarkaas, kuwaas oo loo sheegay in ay shir ku qabtaan Dire Dawa, ka dibna ay tagaan Jijiga, intaa ka horaysana ay ciimada milatarigu qaban doonaan Jijiga iyo maamulka Cabdi Maxamud Cumar, waa sida ay sheegeen xogo hoose.

Inqilaab ay ciidmada milatarigu isku dayeen Cabdi Maxamud Cumar wuu fashiliyey, wuxuuna adeegsaday dadwaynaha, in kasta markii dambe ay arimo fool-xun ka dhaceen magaalada Jijiga.

Maxaa Haatan ka jira Dagaanka Soomaalida

Kabid kolkii Madaxwayhihii hore ee dagaanka Soomaalida ay xukuumada dhexe xilkii kaga qaaday xoog, waxaa soo if baxay nabadgalyo daro iyo in ciidamad Liyu Police-ku diidaan amarka madaxwaynah cusub ee ku meel gaadhka ah. Waxaa kale oo iyana gabalka ka jirta qaybsanaan iyo is-aamin daro shacabka dhaxdiisa ah, kuwaas oo kala taagersan ciidamada Milatariga Itoobiyada sare oo dhinac ah iyo dadwaynaha Soomaaliyeeed iyo ciidanka Liyu Police-ka oo dhinac ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxay ka shakisan yihiin oo ayna kalsooni ku qabin ciidmada fadaralka oo uusan ku jirin hal ruux oo Soomaali ah. Ciidamadan fadaraalka waxay xeryahooda ku hayaan dad ka yimid Itoobiyada sare oo dhibaato loo gaystay, kuwaas oo aan aaminsanay Booliska Soomaalida.

Dhabtii, waxaa muuqda arimo hore u qarsoonaa, oo ayna fahmi jirin dadka caadiga, haatanse banaanka yimid. Ethiopia dagaanka Soomaalida waxaa ka jooga ciidmo milatari ah oo ayna Soomaalidu ka mid ahayn kuwaas oo xoog ku jooga. UN-ta, waxaa jira dhawr qodob oo ay sharci tahay in la ilaaliyo dadka ay haysato dawlad aan la wadaagin Af, dhaqan, midab iyo diin, dadkaas oo aan waxba la qaybsan akrin dalka haysta.

Hadaba, si loo dajiyo dadwaynaha, loona baajiyo colaad ka kacda gabalka Soomaalida Abiye Axmed, waa in uu ka saaraa ciidmada milatariga kuna celiyaa xeryahooda, loona madax banaaneeyo Soomaalida in ay sugto Amaankeeda. Sida uu qabo dastuurka dalka Ethiopia, hadii uu sugi waayo maamulka cusub amaanka gabalka isaga ayaa codsan in ciidan fadaraal ah loo soo diro.