Xaalada Jijiga oo Waji Kale Yeelatay

 

Jijiga, Aug 6,2018 – Warar naxdin leh: Jijiga oo caawa daris la,ah xabada taraysada oo lagu argaggax galinayo dadka Soomaalida ah, ka dibk kolkii xilka xoog laggaga qaaday madaxwaynihii dagaanka Soomaalida Cabdi Maxamud Cumar.

Magaalada Jijiga waxaa markiiba laga saaray dhamaan ciidankii Liyu Police-ka, waxaana lagu badalay ciidanka dawlada fadaralka. Islma markiiba waxaa ka bilowday magaalad boob iyo dil lagula kacay dadka Soomaalida ah. Boobka iyo aargoosadka waxaa wada dadka aan Soomaalida ahayn. Ciidanka fadaraalka Itoobiya kuma jiro hal askari oo Soomaali aha. Dadka Soomaalida ah caawa waa gacan ku gabad, waxayna dirba dareemeen cabsi iyo in ay ka hooseeyaan dadka Itoobiyaanka ee magaaladooda martid ugu ah.

Dhinaca kale maleeshiyaad Oromo ah oo aad u hubaysan ayaa magaalada Jijiga kaabiga u soo saaran, qabsadayna dhawr tuulo.