Barkac Xoogan oo ka Bilowday Dagaanka Soomaalida

 

imagesNairobi, Aug 5, 2018 – Wararka khadka Telefoonka aan ku helay ayaa sheegaya in Barakaca balaadhan ka jiro magaalooyinka Jijiga iyo Dire Dawa.

Barakacan waxaa sabab u ah biyihii, korontadii iyo adeegii internetka oo ay goysay dawlada dhexe. Waxaa kale gabaabsi ah raashinkii iyo quutu daruurigii ay dadku isticmaalayeen ka dib kolkii uu istaagay ganacsigii caadiga ahaa.

Sababta ay dawladu u jartay lama oga, adeegyada korontada iyo isgaadhiinta waxaa maamula dawlada dhexe.

Dadku waxay aad uga baqayaan in ciidamada dawlada dhexe mar labaad soo galaan magaalada, xaaladuna ay ka sii darto.

Maamulka Soomaliland ayaa sheegay in ay soo gaadheen ilaa iyo shalay dad badan oo qaxooti ah, walina ay soo qulqulayaan.

Dhinaca kale waxaa xidhan Jidka laamiga ah ee u dhaxeeya Dire Dawa iyo Jijiga. Sidoo kale waxaan xidhan Jid-cadaha isku xidha gabalka Sitti iyo Jijiga, waxaana saaka lagu dilay 11 ruux oo Soomaali ah. Maleeyishaad badan oo ka yimid dhinaca Oromada ayaa dilaya dadka dagan xuduuda u dhaxaysa Somalida iyo Oromada iyo dadka safarka ah.

Dawlada dhexe ee Itoobiya waa in ay muujisaa masuuliyada ka saaran dadka shacabka ah iyada oo aan u eegaynin Jinsi, ma aha kaliya in ay aragto Abdi Iley.
Barakaca iyo dhibaatada haysata dadka Soomaalida ah, waxaa masuuliyadeeda leh dawlada dhexe ee Abiye Axmed iyada ayaana looga fadhiyaa in ay dajiso colaada siyaasadeed iyo mida u dhaxaysa labada qoomiyadood.