Ciidamada Itoobiya oo Toban Ruux oo Shacab ah ku Dilay Magaalada Jijiga

 

Jijiga, Aug 4, 2018 – Waxaa manta magaalada Jijiga, weerar lama filaan ah ku qaaday magaalada Jijiga ciidamada milatariga Itoobiya.

Waxaa tacajib ku noqotay dadwaynaha magaalada Jijiga iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, werarka ay ciidanka federaalku ku soo qaadeen Jijiga.

Waa markii ugu horaysay oo weerar noocan oo kale ah ay ciidamada Itoobiya federaalku ku qaadaan magaalo nabad ah.

Dastuurka federalka ah ayaa qaba, in aan xoog lagu faragalin karin ismaamulada. Wearakan sharcidarada ah ayeyna wali ka hadal dawlada federalka Itobiya.

Arintani waxay tusaysaa in gabalka Soomaalida aan loola dhaqmin sida loola dhaqmo qoomiyadaha kale ee Itoobiya.