Dib u Milicsada Taariikhda

 

eprdf-ethiopia-in-dangerJijiga, Jul 22, 2018 – 27 Sano ka hore maanta, waxaan xusuustayda dib ugu celin siyaasadii qasnayd ee ka dhacday dhulka Somalida Ogadeeniya ama Somali Galbeed. 1991, waxaa talada dalka Itobiya la wareegay EPRDF, oo laftigeedu ka dhalatay midowga labo urur sanadkii 1989, kolkii ay soo dhawaatay dhicidii xukuumadii Mengiste Xayle Maaryam. Ka gadaalna dib ayaa loo qaabeeyey waxaana laga dhigay mid kulmiya afar Qoomiyadood, waana xisbiga xukuma maanta Itoobiya.

EPRDF, oo cududeeda ciidan ay ahayd TPLF, waxay xaqiraad kula dhaqantay qoomiyadaha aan ka midka noqon EPRDF ee ku nool Itoobiya oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

Soomaalidu waxay leedahay dhulka labaad ee ugu balaadhan qoomiyadaha ku nool Itoobiya. Dhulka Soomaalidu waa dhul aan u sharciyeysnayn Itoobiya laakiin ay xoog ku joogto tan iyo intoo ay boqortooyada Ingiriisku ku wareejisay qaybti ugu dambaysay sanadkii 1954.

1991, EPRDF, siyaasad xun ayey kula dhaqantay dadka Soomaaliyeed. EPRDF, kama ayna qayb galin qoomiyadaha wax loo qaybiyey, laakiin waxaa qayb loo siiyey in uu maamulo ururka TPLF. Ilaa iyo maantana waxaa si gaar ah u maamula TPLF, oo afar bilood ka hore laga qaaday talada dalka Itoobiya laga.

Maadaama ay dadka Soomaalidu yihiin dad la gumaysto, waligoodba wax horumarin ah kama helin dalka Itoobiya. Sidaas daraadeed way kaga hooseeyaan qoomiyadaha kale ee Itoobiya dhinac walba. Itoobiya, waxaa kaliya oo ay dhaxalsiisay dadka Soomaaliyeed xoolo dhaqatonimo, maadaama laga ilaaliyey dhinacyada horumarinta. Waxaa kale oo ay ku ilaalisay in ay ahaadaan ree miyi qabiil qabiil isu haysta oo iyaga uun dhaxdooda cadow isu ah yihiin.

Sanadkii 1991, iyada oo ka duulaysa in Soomaalidu tahay dad xoolo dhaqato ah oo aan ku heshiin karin talo, ayey u soo jeedisay in qabiil walba uu urur iyo calan samayto dabadeedna kii ku guulaysta xukunka loo dhiibi. Arintaas waxay uga dan lahayd in ay ku sii kala fogayso dadka Soomaalida ah.

Xiligaas isaga ah ma jirin ururka leh siyaasad ka turjumaysa dadka Soomaaliyeed, waxaana markaas dhacay burburkii Soomaaliya, waxaana wadanka soo galay dad qaxooti ah oo asal ahaan gabalkan u dhashay, laakiin aan xaaladiisa waxba kala socon. Dadkani waxay ahayeen dad aqoon leh oo maamulka wax ka yaqaan laakiin ma ayna lahayn talo ay ku midaysan yihiin.

Xiligaas iyada ah, waxaa jiray ururka ONLF, oo aan adkaan, ahaan dibad joog ayna xubnaha hogaamintu is aqoon.

Waxaa mudan in la sheego midayntii ururada mucaaradka Itoobiya sanadkii 1989, oo ka dhacay London, waxaa isagu diiday ururka ONLF, oo aaminsan in ayna Itoobiya waxba la wadaagi karin maadaama ay gumaysato.

1991, ONLF, waxaa u suurto gashay in ay ku qabsato gudaha dalka shirkeedii ugu horeeyey oo lagu magacaabay “shirwayne qaran,” kii sii 3aad wuxuu ka dhacay dalka Eriteria July 11, 2018, maalmo uun ka hor, qoraalkan.

Dirbaba waxaa mudh soo yidhi, dad uu wado xin-qooq oo qabiil in ay wax ku helaan doonayey, laakiin aan marna doonayn in dan guud la helo. Ururada aan inta aan xusuusto marka lagu daro xubno WSLF ah oo ka hadhay ururkii burburay ee WSLF. Waxaa kale oo isna markaas qabiil loo arkayey ONLF oo in kasta oo cid waliba ku jirtay “O” hore loogu aanaynayey qabiilka Ogadeenka. Waxa isaguna jiray ururka IGLF oo ku abtirsanayey qabiilka ciisaha iyo gurguraha, Horyaal oo ku abtirsanayey qabiilka Gudabiirsiga (Samaroon), waxaa kale oo isna jiray ururka Diil wabi, oo ku abtirsanayey qabiilka reer baaraha iyo ururo beeleedyo aad u fara badnaa.

Waxaa in la xuso mudan ururka IGL, waxaa gudoomiye u ahaa Cumar Cabdulahi Raabe oo ahaa afhayeenka baarlamaanka dalka Jibouti, waxana soo dirtay dawlada Jibouti. Waxaa yaab lahayd in markii ururadii qabaa,ilada Soomaaliyeed looga yeedhay Addis Abab, ay masuuliyiinta Itoobiya is garteen Cumar Cabdulahi, afhayeenkii baarlamaanka Djibouti, sidaasna ay Itoobiya ku diiday, ka dibna uu madax ururka IGL ka noqday ku xigeenkiisii Daahir Riyaale Xaamdu oo noqday madaxwayne ku xigeenkii maamulkii ugu horeeyey ee ka dhashay gabalka Soomaalida maantana ka mid ah xubnha ugu sareeya ururka ONLF.

27 ka hore wixii dhacay, waa in ay Soomaalidu cashir ka barataa, EPRDF, 27 sano ka dib way wadi wayday talka dalka Itoobiya, waxayna samaysay caqli si uu dalku uga badbaado burbur. Xisbiga EPRDF, wuxuu badalay madaxdii dalka xukumaysay, waxayna isu muujisay in ay isbadal la iman doonto, ka badalan wixii hore, laakiin waxaa wanaagsan in la ogaado xisbigu waa uun xisbigii hogaamintuna waa uun hogaamintii.

Dadka Soomaalida oo 27kii sano ee ugu dambaysay dhibaato iyo bahdilaad uun ka dhaxlay EPRDF, ayaa dhagaha loogu riday in Abiye Ahmed uu yahay in ka duwan dawladii hore doonayna in uu wanaag badan u sameeyo qoomiyadaha Itoobiya iyo guud ahaan Itoobiya.

Badalaada madaxdii hore ee Itoobiya, ka dib dad badan oo Soomaali ah ayaa jeclaaday in Cabdi Iley oo dhibaato badan dadka Soomaalida u gaystay in la raaciyo madaxdii Itoobiya ee tagatay, maadaama uu ka mid ahaa kuwa ugu xun.

Masuuliyiinta cusub ee Itoobiya ma yeelin, badalkeeda waxay abaabushay nidaam la mid ah kii 1991, oo Soomaalida la isku soofaynayo si maamulkan cusub uu uga soo dhex saarto cid isaga u shaqaysa.

Haatan, waxaa Nairobi iyo Addis Ababa buux dhaafiyey, dad qurba joog ah, ururo qabaa,il ku dhismay iyo xubno hore Cabdi Iley u caydhiyey oo doonaya in ay maamulka kala wareegaan Cabdi Iley. Waxaa yaab ah in xubno hore uga soo shaqeeyey Ismaamulka oo ay isku dhaceen Cabdi Iley qaxootina ku joogay Addis Abab mudo dheer. Is waydii xagay aduunka ka dhacdaa  hal dal in muwaadin magaaladiisii dambiile ka noqdo magaalooyinka kale ee dalkana lagu koolkoolinayo.

Ururada maanta samaysmay oo aan isku dhinac wax u wadin, lahayna wax u jeedo ah oo ay dani ugu jirto dadka dhiban ee Soomaaliyeed waxaa ka mid ah; Dulmi-diid, Hiil-shacab, Barbaarta, Sraj, UWSLF, Golaha Sare ee ONLF, Sama-doon iyo qaar kale oo aanaan wali magacyadooda helin.

Intaas waxaa dheer, Jabhada ONLF, oo waday dagaal gobonimod doon ah in ka badan sodon sano (30), hawsha halgankana kala wareegtay WSLF, 1977/8. Maamulka cusub ee Itoobiya wuxuu ugu baaqay wadahadal, wuxuuna aad u xiisaynayaa in uu heshiis nabadeed la galo, waxaana jira kulan loo balansan yahay oo aan wali muddada la shaacin. ONF, waa urur xidido dheer u aasan yihiin, waxaana qanci kara oo kaliya in sidii labo dawladood ay Itoobiya u wadahadlaan, waxayna haysataa shacbiyad badan oo maanta fahamsan runta. Iswaydii akhristow, maxaa ONLF, looga jecel yahay xiligan xitaa maamulkii ay samaysatay Itoobiya.

Waxaa kale oo isaguna jir ismaamulka Soomaalida oo sharci ku dhisan. In kasta oo sidii la doono laga yeelayay 27 sano ee u soo maamulayey gabalka Soomaalida.

Cabdi Iley Itoobiya EPRDF, ayaa keensatay cidina ma dooran, isaga ayaana sheegay in dhibaatooyinka gabalka ka dhacay ay masuul ka ahayd EPRDF. Haatan CabdiIley EPRDF, ayaa badali karta iyada oo aan cidna ugu yeedhan, wanaajina karta dhibaatada ka jirta gabalka Soomaalida, maadaama ay masuul ka tahay. Hadaba dadkan la abaabulayo ee lacagaha lag bixinayo ee kolba meel u dhoofaya ee shirarka kolba meel ku qabanaya, wax umbaa lagu xumaynayaa waxaana lagu doon doonayaa ONLF, oo la rabo in god lagu hubsado.

Abdi Rasaas, rasraas@gmail.com