ONLF oo Soo Dhawaysay in Itoobiya ay ka Saartay Liiska Argagixisadeeda

 

ONLF, waxaa la aas aasay 1984, halganka ay ku jirtaana wuxuu dabo socdaa halgan socday in ka badan 100 sano. Ujeedadda ONLF waa xoraynta Soomaalida Ogadeeniya, waxayna u maraysaa wada kasta oo lagu gaadhi karo xoriyadaas.


Dawlada Itoobiya waxaa dagaal kula jiray ONLF iyo ururo mucaarad ah, kuwaas oo ka soo horjeeday siyaasada dawlada.

20kii sano ee u dambeeyey dunida waxaa saameeyey arggagixiso caalami ah. Itoobiya waxay ka faa,iiday dhaqaale been ah dawlada Maraykanka.

Dhaqaalihii lagu siiyey Itoobiya in ay kula dagaalanto arggagixisada caalamiga, waxay u isticmaashay xadhiga iyo cabudhinta dadkeeda.

1994, Itoobiya waxay dawlada Maraykanka ka codsatay in ONLF arggagixisada lagu daro.
2002, qarixii lagu sameeyey daarihii (twin towers), ciidamada Maraykanku waxay yimaadeen geeska Afrika, waxayna Ogadeeniya kula kulmeen ciidanka hubaysan ee ONLF.

Xiligaa wixii ka dambeeyey ONLF, waxaa si caalami ah loogu aqoonsaday in ay tahay jabhad gobonimodoon ah. Jabhadu waxay Xafiisyo, Jaaliyado iyo taageerayaal badan ku leedahay dacalada aduunka.

Rasaysal wasaaraha cusub ee Itobiya Aby Ahmed Ali, ayaa baarlamaanka Itoobiya u gudbiyey qoraal uu ku codsanayo in saddex urur oo ay ONLF ku jirto ayaa laga saaro liiska Arggagaxa!

Waxaa hadalka Aby Ahmed budo caydhiin ku sii daray, hogaanka warfaafinta ee ONLF, oo uga mahad celiyey Raysal wasaaraha Itobiya arggagixisada uu ka saaray!