Faalo: Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya (JWXO) oo Shir Uga Socdo Caasmara

 

onlfJijiga, June 29, 2018 РJabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya (JWXO) ayaa shir wayni uga furmay magaalada Caasmara ee dalka Eriteriya. Shirkan oo ay ka qayb galayaan boqolaal ka mid ah taageerayaala  iyo xubnaha golaha dhexe ee JWXO ayaa laggaga wada xaajoonayaa in la sameeyo isbadal ay ku heli karto Jabhadu taageero shacab.


Shirwaynahani waa kii saddexaad oo noociisa ah oo ay qabato Jabhadu. Sida uu qabo xeerka JWXO shirwayne noocana aalaaba waxaa lagu doorta hogaanka Jabhada. Shirwaynihii 1aad ee Jwxo, oo ahaa kii ugu muhiimsanaa waxaa lagu qabtay Garigo,an 1991, waxaa gudoomiye loo doortay Sheekh Ibrahin Cabdala. Shirwaynihii 2aad waxaa lagu qabtay Bilcil Caymo 1998, waxaana gudoomiye loo doortay Maxamed Cumar Cismaan.

Muddo labaatan sano ah (18) lama qaban wax shirwayne ah oo lagu dooranayo ama lagu dardar galinayo halganka shacabka ee ay hormuudka ka tahay Jwxo.
Sharciga doorashada ee la baal maray wuxuu sababay, burbur xoog leh oo soo gaadhay Jabhada iyo guud ahaan shacabka gabalka daga, kaas oo dhibaatadii ka dhalatay ay Itoobiya ka faa,iidaysatay.

Hadaba, arimaha dhacay, waxaa lagu iloobi karaa, hadii kooxdii afduubka ku haysatay Jwxo, ay maanta diyaar u yihiin in ay talada ku soo celinayaan shacabka Soomaalida Ogadeeniya.

Dadku waxay malaynayaan in Itoobiya isbadal wanaagsan ka soo socdo, arintaas oo ay ku sababaynayaan in Aby Axmed uu qaaday talaabooyin uuna hore u qaadin Hailemariam iyo Meles midna. Talaabooyinka wanaaga leh nabadeed ee Aby Ahmed lagu amaanay waxaaa ka mid in uu Eriteriya u celiyey dhulkii ay isku haysteen, siidaynta maxaabiista siyaasada u xidhan, wax ka badalka arimaha dhaqaalaha. Xumaantiisa muuqata waxaa ka mid ah gabalka Ogaden oo xornimo u dagaalamayey in ka badan 70 sano, ayuu xoog ku qaadanayaa hantidii ay lahaayeen (petroleum) dadwaynuhu. Waxaa kale oo uu daawanayaa muranka siyaasadeed ee ka taagan gabalka Soomaalida, oo dad badan oo ka mid ah ay qaxooti ku yihiin Addis Ababa.

 

Jiritaanka nolosha waxaa lagu gartaa dhaqdhaqaaqa iyo isbadalka muuqa guud. Jiritaanka dawladnimo amd urur waxaa isna lagu gartaa isbadalka maamul oo lagu qiimeeyo waxqabadka uu mid waliba sameeyo. Dawlad and Urur siyaasadeed oo isbadal maamul laga waayo, lagama sugo waxqabad loo aayo.

Hadaba 18 sano ka dib maxaa keenay in ay Jwxo, ku hawooto isbadal siyaasadeed? Maxayse tahay talaabada siyaasadeed ee laga filan karo xiligan?

Wixii ka dambeeyey kala jabkii JWXO 2009 iyo lumintii xubno muhiim u ahaa halganka Jwxo kama soo kaban, arintaasi waxay saamaysa dadwaynihii taageeri jiray Jabhada. Waxayna ku sigatay in ay gasho dabinkii ay galeen kooxihii ka falaagoobay iyo ururkii Al-Itixaad oo iyagu isu dhiibay Itoobiya.

Is dhiibidii koox Jwxo ah iyo Al-Itixaad oo isu dhiibay Itoobiya 2010 ayaa aad loo buunbuuniyey, muddo gaaban ka dibna la kulmay xadhig iyo iyaga oo laga xarimo Itoobiya.
Itoobiya dhawr goor ayey jilaafo siyaasadeed u dhigtay ururka Jwxo ee dabka siday, Jwxo way ka digtoonayd dabinada Itoobiya, iyada oo ka faa,iidaysatay sidii loola dhaqmay kuwii heshiis been beenaadka la galay Itoobiya.

February 11, 2018 ayey ahayd markii Jwxo ku dhacday dabin ay saynsaabtay Itoobiya. Jabhada Jwxo, oo awal hore la looltami jirtay xukuumada Itoobiya, odhan jirtayna Itoobiya meel aan fagaaro caalamiya ahayn kulama kulmayno. Waxay wadahadalo siyaasadeed la gashay saraakii Tigray ah iyo madaxa ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Arintan waxay keentay in Jwxo ay lumiso taageerayaashii tirada yaraa ee ku hadhay, waxaa kale oo uu khilaaf horleh ka dhex abuurmay xubnaha ugu sareeya ururka.

Qodobadan waxay ka mid noqon karaan kuwa keenay in Jwxo 18 sano ka dib ay qabato shirwayne wax laggaga qabanayo siyaasada gaabiska ah ee ururka.

  1. Isbadalka siyaasadeed ee Itoobiya
  2. Isbadal doon iyo kacdoon ka bilaabmay degaanka Soomaalida
  3. Fashilkii Siyaasadeed ee Nairobi.
  4. Maxamed Cumar Cismaan oo dalbaday casilaad

Isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya ma aha mid wayn, walina hal xisbi ayaa xukuma Itoobiya. Siyaasada Itoobiya ee ku wajahan Soomaalida Ogadeeniya ma aha mid isbadashay tan iyo Xayle salaase. Aqoonyahanka Itoobiya marka si dhab ah loo doodayo waxay qiraan Itoobiya in ay haysato ma aha Ogadeeniya, waayo waa dad Soomaali ah, waxayna dhinaca ku hayaan dal Soomaaliyeed oo xor ah, mana sahlana in dhibaatadeedu ka dhamaato Itoobiya. Aby Ahmed waa Itobiyan, wuxuu ka yahay Oromo oo ah 45% tirada Itoobiya, wuxuu madax u yahay OPDO, waxaa kale oo uu madax u yahay xisbiga afartu ku midoobeen ee EPRDF. Hadaba ma garanayo isbadalka wanaag ah ee la sheegay ee uu u keeni karo Soomaalida Ogadeeniya. Jwxo, Aby Axmed baa Itoobiya yimid tolow wax ma ku heli? Mise waxay u diyaar garoobaysaa burburka aan muuqan ee Itoobiya ku soo fool leh?

  1. Degaanka Soomaalida Itoobiya (Somali-Ogaden region) oo ay Itoobiya haysato in ka badan 75, tobankii sano ee ugu dambeeyey ayey si fiican u hantiday Itoobiya. Waxaana arintaas fududeey oo ka shaqeeyey Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley0, oo dadwaynaha Soomaalidu ugu yeedhaan nin ay Itoobiya siisay degaanka Soomaalida, waayo waxa uu doono ayuu ka sameeya cidina waxba ma dhihi karto.

    Isbadalka dimoqraatiga u eeg ee ay xukuumadan cusub ee Itoobiya sheegayso meel walbana laggaga hadlo Kilal Soomaali kama jirto. Itoobiya inta aan la gaadhina Cabdi Iley baan cidna ka ag hadli karin. Sidaas daraadeed waxaa ku samaysmay dhawr urur iyo kacdoon shacab oo kuligood qaxooti ku Addis Ababa muddo saddex bilood ah, doonahayna in warkooda la dhagaysto si ay xuquuqdooda uga hadlaan. Jwxo ma hunguri baa haya? Jawaabtu waa xagiina.
  2. Suurto gal waxaa ah in taageerayaasha iyo dadwaynaha Somalida Ogadeeniya la tusayo in fashilkii Nairobi laga astaaqfurulaysan karo. In kasta oo sheegida qabashada shirka Jwxo, ka horeeyey heshiiska nabadeed ee dhexmaray Itoobiya iyo Eriteriya.  Eriteriya iyo Itoobiya waxaa mudo dheer u dhaxaysay cadaawad dhuleed, Itoobiyana shuruud la,aan ayey heshiiskii Algers ku aqbashay. Itobya iyo Eriteriya waxaa u furmay bog cusub, laakiin Tigray iyo Eriteriya waa walaalo Tigrayna waxaa ka muuqata cadho, waana la baacsanayaa, amana saadaalin karo waxa dhici doona. Mucaaradka Itoobiya ee ay Jwxo, bahwadaagta ahaayd ee fadhigoodu ahaa Eriteriya, Itobiya way u yeedhay, laakiin Jwxo lalama hadlin. Lama saadaalin karo in Eriteriya ay sii wadi taageerada ay siiso Jwxo iyo in ay Itoobiya heshiis beenaad samayndoonto.

    Maxamed Cumar Cismaan oo ahaa gudoomiyaha sharci darada ah ee Jwxo 18kii sano ee ugu dambaysay, waa duq aan hada ka dib awoodin in uu sii wado hawsha isaga dhawr xubnood oo kale.
    Maxamed Cumar Cismaan wuxuu sheegay in uuna diyaar u ahayn in uu sii ahaado gudoomiyaha Jabhada Jwxo, marka laga tago da,ada lama oga sababta xiligan ku khasabtay xukunkii uu jeclaa in uu diido.