Itobiya oo Soo Saaraysa Gaaska Dabiiciga ah ee Ogaden Bari

 

OgadenJijiga, June 27, 2018 – Itoobiya ayaa bilaabays markii ugu horaysay soo saarida kaydka gaaska dabiiciga ah ee Somali region ( Gaden Basin), sidaas waxaa laga soo xigtay wargayska TheReoprter.


Shirkada Poly-GCL ee dalka Shiinaha laga leeyahay, ayaa muddo ku hawlanayd sahminta iyo soo saarista gaaska dabiiciga ee Ogaden region, kaydkan oo ay hore u cadeeyeen shirkado reer galbeed ah.

Cadada Gaska kaydka ah ee ku jira Jeexdin iyo Elale  ayey Poly-GCL ku qiyaasatay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Poly-GCL waxay heshii horumarineed la gashay wasaarada macdanta ee Itoobiya in la soo saaro batroolka Ogaden ee ceelasha Jeexdin iyo Elale, kaas oo bari ay bilaabanayso soo saaristiisu.

Jadwalka loo dajiyey qaybinta kaydka Gaaska ayaa ah in laga daabulo Ogaden region lana geeyo Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka, waxaana loo qayb qaybin barito warshadaha Shamiitada Itoobiya.

Waxaa June 28, 2018 (bari) tagi doona ceelasha gaaska dabiiciga ah ee Ogaden region masuuliyiin ka socota dawlada wadaaga ah ee Itoobiya iyo tan Ismaamulka Somalida, si ay goob joog uga ahaadaan xaflada soo saarida Gaaska.

Itoobiya ayaa hore heshiisyo ula gashay dalka Jabouti, in la dhigo toobiyin keena xeebta Jabuuti oo dhererkoodu yahay 700 Km, halkaasina lagu sifeeyo.

Soomaalida gabalka ayaan iyagu wax door ah ku lahayn hawsha shidaalka, isla markaasna aan ka faa,iidi doonin.