Shaygoosh oo Saddex Walaalo ah Lagu Xidhay

 

shekoshShekosh, June 18, 2018 – Wararka naga soo gaadhay dagmada Shaygosh ayaa sheegaya in habeenkii xalay guryahood lagala baxay saddex nin oo walaalo ah.

Wiilashan la xidhay ayay magacyadoodu kala yihiin;
1. Tiger Ahmed Malik
2. Mokhtar Ahmed Maalik
3. Mohamed Ahmed Malik

Tiger Ahmed Malik, oo shaqaale ka ah dagmada Shaygosh, ayaa si wayn u taageersanaa maamulka Kilalka.

Mokhtar iyo Mohamed ayaa la xidhay xalay, iyaga oo lagu eedeeyey in ay war u gudbiyeen nin walashood qabi jiray inta ayna dhiman, ninkaas oo Facebook wax ku qora.

Xadhiga labada wiil ayaa ka cadheeyey Tiger, dabadeedna wuxuu bartiisa Facebook soo dhiga sawirka sare.

Tiger ayaa si xun loo jidh dilay isaga iyo walaalhiisba waxay ku xidhan yihiin xabsi dagmada Shaygoosh.

Hooyada dhashay saddexda nin oo la yidhaahdo Haweeya, ayaa waxaa u gacanqaaday baa la leeyahay gudoomiyaha dagmada Shaygoosh Cabdi Wali Maxamed iyo madax maaliyada Hibo Axmed Habane, ayaa Hooyo Haweeya Dharbaaxooyin xun xun u gaystay.

Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa baryahan ka jira daganaan la,aan siyaasadeed, waxaana maalin walba la xidhaa dad badan. Waxaa kale oo ka jira dagaan cay iyo aflagaado lagu faafinay baraha bulshadu ku kulanto ee internetka.