Maxaabiis Soomaali ah oo Laga siidaayey Xabsi Addis Ababa Kuyaala

 

35362867_2183931944957085_3637887245886685184_nAddis Abab, June 15,2018 – Sideed (8) ruux oo hore uga tirsanaan jiray ururka ONLF ee u dagaalma xoraynta dhulka Soomaalida Ogadeeniya, ayaa maanta laga siidaayey xabsi kuyaal magaalada Addis Ababa.

Dadkan la siidaayey oo qaarkood ahaayeen xubno caan ah, ayaan hore looga hadal siidayntooda.

Afhayeenka ururka ONLF, Cabdiqadir Hirmoge Cadani, oo waraysi siiyey Ideecada BBC-Somali, ayaan hore u cadan in xubno ONLF, ay u xidhan yihiin dawlada ee Itoobiya.

Xubnaha maanta xabsiga laga siidaayey ayeyna Jabhada ONLF, kaga hadal warbaahinteeda. Dhawaan ayey ahayd kolkii Ismaamulka Soomaalidu sheegay in uu Jeel-Ogaden ka siidaayey 70 maxbuus oo hore uga tirsanaa ururka ONLF. 70 maxbuus ayaan wali si buuxda u helin xoriyadooda, laakiin loo isticmaalaa dhinaca wax soo saarka dhismaha guryaha iyo beeraha. 7 ruux oo ka mid 70 ruux ee Jeel-ogaden dhawaan laga siidaayey ayaa danci ugu dhintay banka bayaxow ee gabalka Shabeele.

8 Ruux ee xoriyadooda ay maanta siisay dawlada wadaaga ah ee Itoobiya ayaan la ogayn in loo gudbin doono Ismaamulka Soomaalida iyo in si buuxda loo fasaxay.

Ururka gobonimodoonka ah ee ONLF, ayey awoodiisa ciidan wiiqantay, ka dib kolkii uu talada ku heshiinwaayey, waxaana ka faa,iidaystay dawlada Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.  

Maxaabiista ONLF ee Addis Ababa laga fasaxay ayey magacyadoodu kala yihiin.

  1. Cabdi Xasan (Teerso)
  2. Axmed cabdi Cismaan (Gadh-Case)
  3. Sheekh Maxamed Fatxi
  4. Axmed Maxamed (Beer-geel)
  5. Siyaada Shaafi Muxumad
  6. Iid khaliif
  7. Cabdi-Wali muxumad Dhegay
  8. khaliif goobe