Qabridahare oo ay Biyo Qariyeen

 

Magaalada Qabridahare ee xarunta gabalka Qoraxeey oo ay khasaare xoog leh gaadhsiiyeen daaddad  ka soo rogmaday galbeed.

Daaddad xad dhaaf ah oo uu kor ka keenay toga faafan, ayaa ku faafay xaafadaha magaalada, ka dib kolkii uu buux dhaafay toga dhex mara magaaladu.

Ugu yaraan 2,000 oo qoys ayey saameeyeen daadaddku, mana jiraan gurmad meela uga yimid shacabka tabaaloobay.

Waa markii labaad oo muddo labo todobaad gudahood ah ay magaalada harqiyaan daaddadka ay sababeen roobab ka da,ay meela fog. Fatahaada toga ayaa bilaabatay 8/5/16 -9/5/16, waana markii koowaad inta la xasuusto oo daaddad noocan ah ay  galaan magaalada Qabridahare.

Meelaha sareeya ayay dadku isugu tageen, iyada oo la arkayo caruur iyo dad ciroole ah oo gacmaha la hayo.

Biyaha ka baxay magaalada, ayaa sabaynay banaanada ka baxsan magaalada sida dooxa ka hooseeya haarta Dhala-cad.