Roobab Xoogan oo ka Da,ay Degaanka Soomaalida

 

20150323_100917Jijiga, Mar 23, 2015 – Roobab ma hiigaan ah ayaa mudo labo maalmood ka da,ayey degaanka Soomaalida. Roobababka ayaan wax khasaare ah gaysan inta ay da,ayeen.

Roobkan ayaa ka soo hormaray xiligii la filayey, iyada oo laga cabsi qabay in uu ka soo daba maro xiliga la sugayey ee guga oo ah badhtamaha bisha April.

Hayada cuntada aduunka WFP, ayaa warbixin ku salaysan saadaal oo ay qortay horaantii bishan ka digtay in la abaar xoogan sanadkan ay dhici karto.

Roobabka ka da,ay degaanka ayaa yimid xili aad ay ugu baahnaayeen dadka, duunyada iyo dhulkuba.