Ciidanka Liyuu Booliska oo Boob iyo Kufsi ku Haya Shacabka Somalida

 

Liyuu -PoliceJijiga, Nov 3, 2014 – Ciidanka Liyuu Booliska iyo maamuladda ka jira magaalooyinku waxay si wada jir ah xuurto ugu hayaan shacabka Somalida Ogadeeniya.

Xog dhab ah oo laga laga helay dad booqday magaalooyin iyo degmooyin ka mid ah degaanka Somalida Ogadeeniya, waxay xaqiijinayaan in dhibaatooyin qarsoon, oo aan laga hadli karin, lagana dacwoon karin in ay ka jiraan dhamaan gabalada.

Warbixinta qaarkeed ayaa murug gaar ah leh kuna keeni karta akhistayaasha iyo cidkasta oo maqasha xanuun iyo calool xumo wayn.

Shacabka degaanka Somalida Ogadeeniya waxay u dhaxeeyaan laba gacmood oo cadow sokeeye waa Liyuu Booliska iyo maamulayaasha magaalooyinka, haday cid saddexaad oo dhibaatada ka qayb gashaa ay jirto waa masuuliyada ugu saraysa Kilalka, oo si toos ah amarka u siisa Liyuu Booliska iyo maamulada magaalooyinka.

Maamulayaasha magaalooyinku waa dad dibada laggaga keenay dadka oo aan u dhalan magaalooinka [dib u curasho], kuwaas oo aan wax xidhiidha la lahayn shacaka, dhibaato kaliyana ula jooga shacabka, waxayna ku mashquulsan yihiin ka faa,iidaysiga dhaqaalaha shacabka iyo boobka haweenka.

Warbixintu waxay sheegtay in gudoomiyayaasha gabaladda iyo kuwa ugu hooseeya oo ah gudoomiyayaasha xafiisyada dad dhigida ee dawlada hoose in ay qabaan ugu yaraan labo gabdhood oo u dhashay magaalada, oo ay awood ku guursadeen. Xaaskooda iyo caruurtooda dhabta ah waxay joogaan degmooyinka ay u dhasheen. Sida la sheegayna lixdii biloodba mid cusub bay soo xaraystaan. Waxayna maamulayaashu ku mashquulsan yihiin qayilaad iyo lacago baad ah oo ay ka qaataan ganacsatada.

Liyuu Boolisku, waxay dhibaatada ugu badan ku hayaan haweenka, ganacsatada yar yar iyo dadka reer miyiga ah. Mana jirto cid ka hadli karta waxyeelada ay shacabka ku hayaan LB-ku, culimada iyo waxgarada Soomaalida Ogadeeniya waxaa la gaadhsiiyey heer ayna ka hadlin xitaa hadii xaaskooda hortooda lagu faraxumeeyo, waxaana arinta sababay maamulka Kilalka.

Warbixintu waxay sheegtay in shacabka magaaliynka loo aqoonsan yahay in ay yihiin dambiilayaal kuligood la shaqeeya Jabhada ONLF, oo ayna dambi ahayn in la ciqaabo.

Sharciga lagu dhaqo dhulka Somalida Ogadeeniya waxaa weeye in cidii  11-ka galabnimo magaaada kala baxda sonkor ama raashin loo aqoonsan yahay in ay saad u wado Jabhada ONLF, waana la ciqaabaa.

September 26, 2014 16:30 galabnimo waxaan magaalada Wardheer ku arkay maleeshiyada LB-ka, oo duleedka magaalada ka qabqabanaya dad  haween u badan oo reer miyi ah, kuwaas magaalada caano keenay. Kolkaan xogsaday shacabka magaaladu waxay hoos iigu sheegeen in galab walba la qabqabto haween, kuwaas oo ku hoyda habeenkii xerada LB-ka, waana la faraxumeeyaa, ka dibna inta laga qaato sonkorta iyo raashinka ayaa qaarkood aroortii la siidaayaa, qaarkoodna muddo ayaa lagu haystaa xerada wixii rag ah waa la xidhaa, waxaana laga qaadaa lacag madax furasho ah oo lagu sheegay 1,500 Birr. Arintan waa arin dhab waxaana ii xaqiijiyey dad isugu jira culimo, waxgarad iyo haween aan waydiiyey su,aasha dadka la qabqabto iyagoo galabtii ka caraabaya magaalada.

Arin kale oo naxdin leh ayaa waxaa ii sheegay masuul ka tirsan masuuliyiinta magaalada Qabridahare oo aanan doonayn in aan cadeeyo, arintan oo ka dhacday degmada Shaygoosh ee gabalka Qoraxeey  bishii September 2014.

Gudoomiyihii  degmada Shaygoosh oo hada isaga oo waalana dariiqyada magaala Shaygoosh qaawani socda, ayaa muddo hal sano ah ganacsatada yar yar lacag kaga qaadan jiray in miisaaniyadii degmada aan wali la soo dirin, kolka ay timaadana daynta u celin doono. Ganacsatada degmada ee daynta ku lahayd ayuu xidh xidhay isaga oo ku eedeeyey in ay la shaqeeyaan ONLF. Ka dib wuxuu u sheegay ganacsatada haday daynta cafiyaan in la siidayn, arintaas waxay gaadhay dadwaynaha magaalada, dabadeedna xam-xam baa bilaabatay.

Si sheekada loo dabool waxaa Liyuu Booliska lagu amray in beesha degmada degta lagu eedeeyo in ay la shaqayso ONLF, waxaana la qabqabtay 150 ruux. Dadkaas waxay ciidanka Liyuu Boolisku kolkii dambe kala hadheen 60 gabdhood oo lagu eedeeyey in ay ONLF la shaqeeyaan. Gabdhahaas LB-ku si xun bay ula dhaqmeen, muddo ka dib madaxwaynaha degaanka ayaa amary gudi baadha arinta oo ka baxday magaalada Qabridahare. Masuulku wuxuu sheegay in ay yaab ku noqotay isaga kolkii uu gabdhaha waydiiyey in ay ma UBO la shaqeeyaan, oo ay HAA ugu jawaabeen!

Wuxuu yidhi masuulku waan hubaa in gabdhahan yar yari ayna la shaqayn ONLF, laakiin waxaa jirta arin ay ka cabsanayaan oo LB-ku faray in ay qirtaan in ay ONLF yihiin.  Sidaas ayaa lagu xukumay 60-kii gabdhood waxaana loo qaaday Jijiga. Masuulku wuxuu yidhi “waxaan u malaynayaa in gabdhuhu dhibaatada lagu hayey ay ka door bidayaan in ay xabsi galaan.”

Su,aasha iswaydiinta leh ayaa ah hadii Jijiga lagu xidho gabdhan farxumo ma laga dayn, jawaabtu waa maya!

Sida uu sheegay ruuxa warbixintan soo qoray Xerada LB-ka ee magaalada Dhagaxbuur, waxaan ku arkay ugu yaraan kontan ruux [50] oo reer miyi ah oo hortuban maalin iyo habeenba. Dadkaasi waxay u egyihiin dad reer miyinimada ka sokow qaba hiirtaanyo iyo qadoodi badan. Waxaanan u qaatay in ay ka tuugsanayaan, kolkaas ayaan waydiiyey qaar ka mid ah dadka magaalada maxay masaakiintu ka horqabataa xerada LB-ka? Waxaa la ii sheegay in ayna dawarsanayn ee ay yihiin dad reer miyi ah oo dad ka xidhan yahay magaaladana cidna ka aqoon.

Dadkani waxay soo gadeen xoolo, waxayna wadaan lacago ay doonayaan in loogu siidaayo eheladooda, qaarkoodna lacagitii waxaa ka qaatay Liyuu Booliska mana garanayaan kuwii ka qaatay. Mar walbana waxaa loo sheegaa in ay lacagta soo kordhiyaan, marwalbana waxaa ka qaata LB. Dadka qaarkood ayaa la ii sheegay in ay bilooyin joogaan maalintii hal mar wax cunaan oo ay horseexdaan xerada LB.

Waxaa la ii sheegay in dadka magaalada ay ka cabsanayaan, dadka magaaladuna haduu wax u sheegi lahaa dadka reer miyiga ay ka cabsanayaan LB-ka.

Ruux wabixinta soo qoray waxaa kale oo uu sheegay in dadka wadanka joogaa ay u rahman yihiin LB-ka iyo masuuliyiinta magaalooyinka. Wuxuu yidhi “indhayga waxaan ku arkay magaalada Qabridahare Liyuu Boolis boobay Jaad iyo sigaar, waxaa kale oo aan arkay gabadh suuqa shaah ku gadaysa oo intii todoba darmuus oo ay gadaysay laga cabay lagu yidhi Taliyahaa lacagta ku siin doona.” Waxaan arkay Ganacsato intii aroortii la xidhay galabtii la soo daayey kolkay bixiyeen 1,500 Birr, waxaa la ii sheegay in arimahani ay joogta yihiin.

Waxaa la ii sheegay buu yidhi ruux warbixinta soo qoray in dadka miyi iyo magaalaba masaariif laga dhigto. Sababta ugu badan ee loo xidhana waa labo mid uun in lacag laga rabo [raga] iyo  in galmood xaaraan ah laga rabo [haweenka], laakiin waxa lagu eedeeyo waa isku mid ONLF baad la shaqaysaa. Kolka la xidho dadka waxaa lagu siidaayaa qiimayaal saddex ah midkood, kuwaas oo ku xidhan muddada uu ruuxu xidhan yahay.

  • Ruuxa aroortii la qabto galabtii waxaa lagu siidayn 1,500 Birr
  • Ruuxa xidhan bil waxaa lagu siidaayaa 10,000 Birr
  • Ruuxa xidhan wax ka badan bil waxaa lagu siidaayaa 25,000 Birr.

Dhibaatada ugu badan waxay ku dhacdaa haweenka da,ada yar, kuwaas oo aan meelna ku nabad galin, waxaadna magaalooyinka ku arkaysaa gabdho yar yar oo magaalada ku soo dhuuntay kolkii faraxumayn iyo xanuuno ay kala dhaan waayeen Liyuu Boolisku.

Arimahaas ka dhacay degaanka waxaan hubaa in ay ogyihiin masuuliyiinta ugu sareeya Ismaamulka Kilalku, oo ay ka mid yihiin hawsha ganacsiga ah ee foosha xun.