Hafaryo iyo Manasheegad, Horumar ha Moodina!

 

ogaden district May 29, 2014 – Marar badan waxaan maqalaa ama aan ku aragnaa muuqaalo laga siidaayo tv-ga oo sheega in horumar balaadhan uu ka jiro degaanka Somalida Ogadeeniyaka.

Horumarka hafaryada ah ma bilaaban hada, laakiin waxay beentani socotaa tan iyo sanadkii 1997,taas oo ay ku hadaaqaan dhamaan masuuliyiintii degaanka soo maray. Waxayna buun buuninta ugu badan bilaabatay sanadkii 2010, xiligaas oo Alitixaad [Uwslf] iyo garab ONLF ay khilaaf dartiis u tageen Atoobiya.

Nidaamka ka jira Atoobiya, waa nidaam kali-talis ah oo dhibaato iyo cabudhis badan ku haya shacabka Atoobiya. Waxaana si gaar ah, uu cadaadis iyo bahdil bahalnimo ah u saaran yahay shacabka Somalida Ogadeeniya.

In kasta oo ay Atoobiya, xoog ku joogto dhulka Somalida Ogadeeniya, hadana aduunku wuxuu aqoonsan yahay in ay masuul ka tahay dadka ay gacanta ku hayso. Sidaas awgeed  waajib bay ku tahay Atoobiya bixinta adeega bulshada ay gumaysato, taas oo ah “laa shukran calal waajib”. Nasiib daro Atoobiya iyo adeegayaasheedu waajibkaas waxay u adeegsataa “Mana-sheegad,” sidii iyaga oo sadaqo siinaya dadka Somalida Ogadeeniya. Waxaa kale oo warbaahinta ka fidiyaan been “hafaryo” iyo sheegasho wax aan loo qaban shacabka.

Degaanka Somalidu waa degaan balaadhan, waana midka 2aad dhinaca baaxada, marka laga hadlayo qaybinta joqraafiga ee ay samaysay EPRDF. Tirada dadka ku nool qiyaasta ay ONLF, samaysay sanadkii 2002, waa 7.5milyan, ta Atoobiya samaysay 2005, waa 4.5milyan, iyada oo aad u yaraysay.

Atoobiya waxay gacanta ku haysaa dhulka Somalida Ogadeeniya 117 sano. Gacan ku hayntaas oo waxyeelo mooyeen ayna wax waxtara ka faa,iidin dadka Somalida Ogadeeniya.

Waa markii ugu horaysay oo ay Atoobiya dhulka baaxadaas leh ku sheegato in ay jid u samaysay. Jidkaas oo hore Talyaanigu u dhisay mudaddii lixda sano ahayd ee uu joogay Ogadeeniya, ayey hada Atoobiya saartay laami khafiifa [xuub-caaro]. Laamigaas, isaga oo aan hal sano jirin googo,ay ayey Adeegayaasha Atoobiya rabaan in ay bulshada ugu mana sheegtaan [hal jid].

Manasheegashada ay Atoobiya ku doonayso in ay ku ilowsiiso shacabka Somalida Ogadeeniya ujeedaddi aayahooda iyo musaqbalka jiritaanka ummada Somalida. Waxaan halbeeg ka dhiganaynaa hal halka mashruuc, ee indho-saracaadka loogu talo galay.

Garoonka diyaaradaha ee Jijiga, waxaa la sameeyey 1929, waxaana dhisay Talyaani, waana garoonkii ugu horeeyey ee uu ku baaso duuliye Atoobiyan ah. Dhismahan cusub wuxuu ahaa xiligii uu madxawaynaha ahaa Cabdulahi Xasan “Lug-buur” [hal-garoon].

Isbtaalka Jijiga waa isbitaalka kaliya ee wata magac Isbitaal “referal Hospital”, oo uu leeyahay degaanka Somalida Ogadeeniya oo ay ku nool yihiin tiro ka badanb 4.5 milyan oo ruux, sida ay sheegto Atoobiya. Isbitaalka waxaa dhismihiisa lahaa Cabdulahi Xasan “Lug-buur”. Isbitaalka waxaa la dhamaystiray sanadkii 2012, walina Atoobiya way hortaagan tahay in la qalabeeyo oo uu hawlgalo. Nasiibdarada jirta Isbitaalka kaliya ee loo dhisay Somalida waxaa loo bixiyey “Meles refferal hospital”, Waxaana loo quudhi waayey in lagu sharfo magac Somali ah [hal Isbitaal].Jaamacada Jijiga, waxay ka mid tahay mashaariicda horumarinta waxbarashada, waxaana la dhisay xiligii uu Cabdulahi Xasan “Lug-buur” madaxwaynaha ahaa. Tirada ardayda degaanka ee dhigata Jaamcada Jijiga boqolkiiba tiradoodu 25%, 70% waa Atoobiyaan lagu beerayo dhulka iyo 5% deeq waxbarasho lagu lagu abuurayo isku dirka dadka reer Somaliya [hal Jaamacad].

Mashaaruiicda ay ku faanaan adeegayaasha gumaysiga, waxaa la sameeyey xiligii ay socdeen dagaalada ugu badan iyo siyaasadaha ka jira gabalka Ogaden, waxaana loogu talo galay oo kaliya in runta laggaga leexiyo shacabka Somalida iyo aduunkaba. Maanta oo sida uu sheegtaan Adeegayaasha gumaysigu in ay nabadi jirto kana adkaadeen ONLF, aaway wax qabad.  “Dilaal waxaad helaysaan intaan dunida joogaa” Sayyid Maxamed Cabdille Xassan.

Marka laga tago afarta mashruuc [4] ee hal halka ee aan kor ku xusnay, mashruuc micna leh oo dadwaynuhu ka faa,iidi karaan oo ka dambeeyey la 2010 ma jiraan, waxaa ka jira Saldhiga Korantada ee magaalada Fiiq iyo Garoonka Diyaaradaha Qabri Dahare oo aan wali dhamaan.

Mashaariicda Jidadka “Mana-sheegad” ee ay ku baanaan Adeegayaashu kuligood waa Carakaawo, loogu talo galay in ay maraan ciidamada Atoobiya. Jidaddka Carakaawada waxaa laga guray geedaha dhinac walba hal kiilo mitere [1km], taas oo loogu talo galay in aan laga soo ganin qarax waxyeeli kara ciidamada maraya Jidka. Waxaana xaaluf loo keenay xoolaha nool ee ay daaqdaan shacabka Somalida Ogadeeniya.

Tusaale, gabalka Nogob oo ah gabalka ugu balaadhaan gabalada, uguna horumarka yar. Maalin walba waxaa Jijiga uga safra Fiiq boqolaal dad ah, kuwaas oo ka soo wareega jidka Carkaawada Baabili iyo Fiiq isku xidha. Haddii ay jirto horumarin rasmi ah, ama shacabka loo danaynayo waxaan arki lahayn Jidad rasmi ah oo laami ah.

1* Mashruuca aadka loo sheeg sheego ee loogu yeedhay dib u dajinta dadka reer guuraaga ah, wax alaale wax ka jiraa ma jiraan. Haddii ay arintaasi run tahay waxaa la arki lahaa dad la dajiyey iyo meelaha la dajiyey.

Waxaa intaas dheer Barkadaha ay lacagtooda bixisay UNDP ee loogu talo galay  [Pastoral Community Development Project (PCDP)] horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah. Taas oo loogu talo galay xoolo dhaqatada laakiin loo leexiyey degmooyinka iyo tuulooyinka.

Dadka degan dhulka ka durugsan Jijiga iyo xarunta Adeegayaasha, cid ka warhaysa iyo cid wax gaadhsiisaa midna ma jiraan. Waxaana wada nool shacabka iyo natood hurayaasha ka ilaaliya bahalada Liyuu Booliska ee ka booba xoolaha nool.

Horumarka “Hafaryo” iyo “manasheegad” ee Adeegayaasha Gumaysiga Atoobiya waa huf iyo been aan waxba ka jirin, oo loogu talo galay in lagu duufsado dadka aan la socon xaalada dhabta ah ee ka jirta dhulka Somalida Ogadeeniya.