53 Madaxweyneyaal dawladaha Afrika Ayaa Addis Ababa u Yimid Kulanka AU

 

Addis Ababa, January 28, 2012 [ras] – Dhamaan 53 madaxweyneyaasha dawladaha Afrika ee uu ka kooban yahay ururka AU, ayaa soo gaadhay Addis Abab, markii ugu horaysay kulankiisa caadiga ah ee 18aad tan iyo 1963.

Kulanku wuxuu ka dhicayaa xarunta xafiiska dhismaha cusub ee qaybaha badan leh ee ururka AU, oo ay dhistay dawlada Shiinaha, kaas oo astaan u ah xidhiidhka saaxiibtinimada cusub ee shiinaha iyo qaarada Afrika.

Xaruntan cusub ee AU ayaa waxaa dhisay Shiinaha waxaana ku baxday aduun lacageed oo dhan US $200 million.

Waxaa banaanka hore ee dhismaha ku dhagan sawir dhagax laga sameeyey oo ah madaxweynihii ugu horeeyey dalkii Afrikada madow xornimada ugu hor qaatay sanadkii 1958, Osagyefo Dr. Kwame Nkrumah.

 

Samia and Dr. Francis Nkrumah, oo ah dadkuu dhalay Kwume Nkrumah ayaa Saaka lagu sharfay ka qayb galay furitaankii taalada Kwume Nkrumah.

 

rasaasa.com