45 Wariye ah oo Tababar Looga Furay Jijiga

 

Talaabadii ugu horeeyay ee abid oo lagu siinayo tababar 45 wariye oo ka shaqeeya deagaanka Somalida Ethiopia, ayaa maanta ka furmay magaalo madaxda degaanka Somalida Ethiopia ee Jijiga.

Wariyeyaasha uu tababarku maanta uga furmay magaalada Jijiga, ayaa waxay ka kala socdaan laamaha kala gadisan ee saxaafada degaanka Somalida Ethiopia, wariyeyaashaas oo ka kala shaqeeya warbixinana ka diyaariya laamaha dawlada degaanka.

Tababarka wariyeyaashan oo socon doona 5 maalmood, ayaa waxaa kharajka ka bixinaya soona qaban qaabiyey wasaarada Maaliyada.

Wariyeyaasha ayaa inta ay tababarka ku jiraan waxay baran doonaan hanaanka saxaafada caalamka iyo arimaha bulshada.

Waxaa kale oo wariyeyaashu baran doonaa inta ay tabarka ku guda jiraan arimaha la xidhiidha anshaxa saxaada iyo wadaniyada.

Degaanka Somalida Ethiopia ayaa aad ugu ooman dhinaca saxaafada, aadna ay muhiim ugu tahay horumarinta iyo ka warhaynta degmooyinka uu ka kooban yahay degaanka Somalida Ethiopia.

rasaasa.com