Ethiopia oo Sharci Cusub oo Shaqada ah Imanayo Dhawaan
Addis Ababa, January 21, 2012 [ras] – Waxaa la sugayaa in uu dhawaan soo baxo sharci cusub oo la xidhiidha shaqada iyo shaqaalaha, si uu dalku ula jaan qaado shruucda shaqaalaha caalamiga ah iyo midka dalka, maadaama ay dalka ku soo badanayaan shaqaale Ajnabi ah.
Sharcigan cusub ayaa wax ku daraya waxna ka dhimayaa sharcigii shaqaalaha ee hore uga jiray dalka Ethiopia. Sharcigan cusub ayaa waxaa gacanta ku haya professor wax ka dhiga Jaamacadaha Ethiopia. Kuwaas oo sheegay in ay dul mar ku samaynayaan sharciga shaqada bilow ilaa dhamaad.
Dalka Ethiopia, ayeyna hore uga jirin shuruuc kala hagta shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, inta badan awooda uu iska lahaa loo shaqeeyuhu. Waxaan hore u jirin oo hada soo baxaya sharci ay kala saxiixanayaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyuhu kolka ugu horaysa ee ruuxa shaqada la siiyo [employment contract]. Heshiiska shaqada ah ee ay kala saxiixdaan ayaa loo baahan in uu labada dhinacba ilaaliyo.
Degaanka Somalida Ethiopia, ayaan isagu shuruucda shaqaalenimo la wadaagin dalka Ethiopia heer kasta oo ay shaqadu tahay. Nidaamka shaqaalaynta ee degaanka Somalia ayaa raacda dhaqanka Somalida, laakiin aan wali laga hirgalinin shaqaalaha iyo baahida shaqo.
Dhibaato ugu badan ee degaanka Somalida Ethiopia ayaa ah shaqaalayn iyo shaqo ka caydhin iyada oo aan la marin sharci la raaco, balse loo shaqeeyaha ay awoodu gacanta ugu jirto. Marar badana waxaa dhacda in ruux 5 sano shaqaale ahaa oo maali kaliya shaqada laggaga caydhiyo.
Waxaan suurto gal ahayn in uu dag dag uga hirgalo degaanka Somalida Ethiopia sharciga cusub eeĀ shaqada iyo shaqaalaha, maadaama uusan uga shaqayn kii hore uga jiray Ethiopia.
rasaasa.com

About Rasaasa
Rasaasa is a political site detailing human rights violations and crimes against the Ogaden by Ethiopia and any other third parties. Rasaasa seeks to identify crimes against the Ogaden and the exposition of its strategic plans to capture and control the Horn of Africa by means of violence and twisting the reality in the region in the eyes of the international community.