Wafti ONLF ah oo Gaadhay Addis Ababa
Wafti aad u balaadhan oo ONLF, ayaa maanta gaadhay Magaalada Addis Ababa. Waftiga ayaa waxay ka kooban yihiin xubnaha ugu sareeya ururka ONLF, lana filayo in ay ka qayb galaan shirweynaha 3aad ee ururuka ONLF, ka hore inta uusan bilaaban shirweynaha Qaran ee Qabridahare.
Wararka aan ka helay Addis Ababa ayaa sheegaya in uu ka mid yahay waftiga gudoomiyaha ururka ONLF, Eng Salaxudin Macow, Gudoomiye xigeenka Cabdirashiid Macalin Maxamed iyo Gudoomiyaha Golaha dhexe ururka ONLF, Cashir Khaliif.
Waftiga ayaa waxaa Pole International Airport ku soo dhaweeyey, gudoomiyaha gudiga nabada Mohamed Farah Olow [dhagjer] iyo xubno kale oo ONLF ah iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dawlada federalka ah.
Waftiga ayaa waxaa saaka la dajiyey hotel ka baxsan magaalada Addis Ababa, si ay ugu nastaan. Galabnimadii maanta ayaa waxaa soo booqday xubno sare oo dawlada federalka ka tirsan kana soo jeeda degaanka Somalida.
Madaxda soo booqatay waxaa ka mid ah afhayeenka Baarlamaanka federalka Dr. Maxamed Sarhaye xidig iyo Ambassador Maxamuud Dirir, wasiirka dalxiiska.
Waftiga ayaa la filayaa in ay kulan kula yeelan doonaan hoteelka ay degan yihiin Qaar ka mid ah waxgaradka u dhashay degaanka iyo masuuliyiinta federalka.
rasaas.com

About Rasaasa
Rasaasa is a political site detailing human rights violations and crimes against the Ogaden by Ethiopia and any other third parties. Rasaasa seeks to identify crimes against the Ogaden and the exposition of its strategic plans to capture and control the Horn of Africa by means of violence and twisting the reality in the region in the eyes of the international community.