Guurti: Kulan Aad u Balaadhan oo ka Dhacay Nairobi

Wafti balaadhan oo isugu jira culimaa,uudiin iyo ganacsato, kuwaas oo ka qayb galay xafladii saxiixa heshiiskii dhexmaray ururka UWSLF iyo Dawlada Itobiya, oo dib ugu soo laabtay Nairobi ayaa shalay shir balaadhan ku qabtay halkaas.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dad ka badan 300 oo ruux ayaa waxaa ka hadlay guurtidii ka qayb gashay heshiiska saxiixa ee ka dhacay Addis Ababa.

Guurtida ayaa u faahfaahiyey dadweynaha xaalada dhabta ah ee ka jirta dhulka Somalida Ogadeeniya. Waxayna sheegeen in wanaag badan iyo xumaanba ay jirto sida ka jirta dal walba oo aduunka ah.

Waxay aad masuuliyiintu ugu sharxeen dadkii ka soo qayb galay kulanka oo dhamaantood u dhashay dhulkaasi degana dalka Kenya, in dalku uusan ahayn sida wax looga sheego balse uu dhinacyo badan kaga wanaagsan yahay arimaha ka jira waqooyi bare ee Kenya, halkaas oo ay degan yihiin dad Somalia ah.

Halkan ka Dhagayso Warbixinta BBC

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!


qayabta 2aad

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

rasaas.com

Tags: , , ,

About Rasaasa

Rasaasa is a political site detailing human rights violations and crimes against the Ogaden by Ethiopia and any other third parties. Rasaasa seeks to identify crimes against the Ogaden and the exposition of its strategic plans to capture and control the Horn of Africa by means of violence and twisting the reality in the region in the eyes of the international community.