19 Ruux oo Weerar Bus Lagu Dilay Gambella, Ethiopia

 

Jijga, Mar 8, 2012 [ras] – Dabley hubaysan oo aan wali la aqoonsan ayaa rasaas huwiyey bus ka mid ah kuwa dadka qaada degaanka Gambeela, halkaas oo ay qudha kaga jareen 19 ruux, 8 kalena dhaawac.

Warkan oo laga soo xigtay saraakiil Ethiopian ah ayaa sheegay in aan wali fara lagu hayn  dableydii dhibaatada gaysatay.

Madaxweynaha degaanka Gambella Omod Obang Olum, ayaa sheegayn in dablaydu ay weerar gaadmo ah ku qaadeen bus ka mid ah kuwa dadweynaha qaada oo marayey meel u dhaw magaalada Bonga.

Degaanka gameelaha ayaa ka mid degaanada aad u dib dhacsan ee dalka Ethiopia, halkaas oo ay ka dhacaan dagaalo kusaabsan biyaha iyo dhulka qabaa,ilada dambeeya ee ku dhaqan Gambella.

Gambella waxay xad la leedahayd Koonfurta Suudaan, waxaana ku sugan kumaan qaxooti ah oo ka soo cararay dagaaladii u dhaxeeya Koonfurta-Suudaan iyo dalka ay ka xorowday ee Sudan.

rasaasa.com