17 Ethiopian oo Lagu Xidhay Namanga

 

Jijiga, Mar 28, 2012 [ras] – 17 Ethiopian ayaa la qabtay iyaga oo lugaynaya meel u dhaw tuulada Namanga ee ku taal xadka uu dalka Kenya, la wadaago dalka Ethiopia.

Dadka la qabtay oo dhamaantood raga ah ayaa damacsanaa in ay lug ku dhexmaraan dalka Kenya, iyga oo u jeedada safarkoodu ahaa in ay galana dalka Koonfur Afrika.

Raga la qabtay ayaa xadka kaga degay gaadhi wayn oo waday, si ay uga baxsadaan ciidanka socdaalka iyo boolkiska ee dalka Kenya.

Waxay doonayeen in ay dalka Kenya uga sii gudbaan dalka Tanzaniya, ka
hore inta ayna gaadhin dalka ay u socdeen ee Koonfur Afrika.

Boqolaal Ethiopian ah ayaa bil walba waxay galaan dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka helaan shaqo, qaar badan waxay uga sii gudbaan dalalka reer galbeedka.

In kasta oo dalka Ethiopia kobaca dhaqaalihiisu korayo, hoosna ay u dhacayso saboolnimadu, wali waxaa socda dadka ka baxay dalka.

Madaxda dalka Ethiopia ayaa meelo badan ka sheegtay in dalku uu dhakhso uga mid noqon doono wadamada dhaqqalahoodu dhex dhexaadka yahay.

rasaasa.com