117 Ruux oo Lagu Xidhay Degaanka Somalida Ogadeeniya

 

rasaasaJijiga, May 28, 2014 – Ugu yaraan 117 ruux ayaa lagu xidhay meelo kala duwan oo degaanka Somalida Ogadeeniya ah, intii lagu jiray xuska 20 Gimbood.

Xafiiska warqabadka ee magaalada Jijiga ayaa sheegay in ugu yaraan 80 ruux lagu xidhay magaalada Jijiga shantii maalmood ee ugu damabysay.

37 ruux oo kale ayaa lagu xidhay magaalooyinka waawayn ee degaanka. 11 ruux oo ka mida 37 ruux waxaa lagu xidhay Dhagaxbuur, 9 ruux waxaa lagu xidhay Qabri dahare, Godey waxaa lagu xidhay 7 ruux iyo 10 ruux oo lagu xidhay magaalada Fiiq.

Magaalooyinka waawayn ee degaanka ayaa bandoo ku jiray labdii todobaad ee ugu dambeeyey, iyada oo laga cabsanayo waxyeel ka timaada dhinaca ururka ONLF.

Xuska maalinta 20-ka Gimbood oo ah maalintii talada Atoobiya uu la wareegay ururka Tigray people’s liberation front [TPLF], ayaa laga xusaa Atoobiya sanadkiiba hal mar.

Degaanka Somalida ayaa sanad walba la galiyaa bandoo inta lagu jiro xuska maalinta 20-ka Gimbood. Arintaas oo ku tusaysa sida ayna dadku raali uga ahayn xuska maalintan oo guuni u ah ururka TPLF.

Maalinta xuska 20-ka Gimbood,  ayaa sanad walba sababta xadhiga ugu badan ee ka dhaca degaanka Somalida Ogadeeniya. Jawiga magaalooyinka waawayn ee degaanka ayaa u ekaada goob colaadeed.