10 ka Tirsan Liyuu Booliska oo Lagu Dilay Tuulada Aato

 

itobiya-300x159May 27, 2014 – War laga soo xigtay warbaahinta dalka Somaliya, ayaa xaqiijisay in dagaal dhexmaray maleeshiyada Al shabaab iyo ciidanka Liyuu Booliska ee degaanka Somalida Atoobiya.

Dagaalku wuxuu ka dhacay tuulada Aato ee gabalka Bakool dalka Somaliya, oo koonfur galbeed ka xigta degmada Ceel-Barde.

Dagaalka ayaa dhacay ka dib kolkii ay ciidamada Liyuu Boolisku ka talaabeen xadka, galeena gudaha dalka Somaliya.

Dadka degan tuulada Aato oo dhinca galbeedka kaga beegan degmada Ceel Barde, waxay xaqiijiyeen maydka 10 xubnood oo ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska oo uu ku jiro taliyihii ciidankaas oo ku magac dheeraa Taag Taag.

Dhinaca Al shabaab, waxaa laga dilay toban xubnood, ka dib kolkii ay ciidamo Atoobiya gurmad goobta ku yimaadeen.

Dadwaynaha degan degmooyinka gabalka Bakool ee xadka xiga, ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolisku si joogta ah u soo galaan dalka Somaliya.

Waa markii labaad oo la sheegay in ciidamada Liyuu Boolisku sharci daro ku galaan gudaha dalka Somaliya.

In kasta oo warkan ay daabacday warbaahinta Nogob, oo ka mid warbaahinta ku hadasha afka DDS. Hadana wali dagaalkan kamayna hadal dawlada degaanka Somalida iyo Atoobiya midkoodna.