10 Caaqil oo Gabalka Qoraxay Lagu Xidhay

 

Kebri Dehar town EldersDhoobawayn, July 2, 2014 – War Deg dega oo aan ka helay magaalada Dhoobawayn, ayaa sheegay xadhiga toban ka mida caaqilada gabalka Qoraxay, kuwaas oo ay xidheen ciidanka mulatariga ee Atobiya.

Sababta loo xidhay Odayadan iyo meesha lagu xidhay midna cid ka warhaysa ma jirto. Warku wuxuu sheegay oo kaliya in xili habeena laggala baxay guryahooda.

Ciidamada Atoobiya iyo maleeshiyaadka tirada badan ee ka hoos shaqeeya, waxay maalin walba magaalooyinka Ogadeeniya sabab la,aan ugu xidhaan dad shacab ah.

Odayda la xidhay ayay magacyadoodu kala yihiin;
01. Cali Maxamed Qani
02. Daahir Yuusuf
03. Maxamed Yare Cabdi Qani
04. Maxamed Shandaqiiqo
05. Axmed Faarax
06. Xasan Duurow
07. Deeq Abdullaahi Gaacuur
08. Faarax Siraad.
09. Cabdi Nuur
10. Bacaluul Maxamuud.