بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ: Soo Jeedin ku Socota Guud ahaan Ummada Somaliyeed iyo Gaar Ahaana Dadka Somaliyeed ee Gabalka Ogadeniya

 

“Talo waa mar aad garanweydo iyo mar aad gaadhi waydo”  Aadamuhu (the Homo-sapiens) waxaa uu ka mid yahay uguna mudan yahay, noolaha badan ee uu Ilaahay alkumay, ee uu ekaysiiyey, una sakhiray qaab-nololeedkooda mudada uu Alle nolol u qoondeeyey (الَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ وَالَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ). Mudnaantaas Aadamaha Alle u gaar yeelay waa garaadka dabiiciga ah ama Caqliga. Garaadkaasi haddii aan si toosan loo adeegsan, waxaa dhab ah in qof, qoys, qabiil, iyo qaranba uu u horseedi karo Khasaare Aduun iyo mid Aakhiraba; sida Qoomka Aayadan Qu’aanka ahi ka hadlyso (أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ بَدَّلُوا نِعْمَتَ اللَّهِ كُفْرًا وَأَحَلُّوا قَوْمَهُمْ دَارَ الْبَوَارِ)

Hadaba, si Aadamuhu uga badbaado khasaare-wadareed ka dhasha garaad/caqli khaldama, loona gaadho hadafka nololeed ee ay ummadi higsanayso, waxaa lagama maarmaan ah in guud ahaan bulashadu fahamto mudnaanta ay kala leeyihiin waxa ka dhexeeya sida: Diin, Dhul, Dhaqan iyo Dhalyo; iyo waxa u dhaxayn kara, sida isqabad siyaasadeed ama nololeed mudo kooban. Gaar ahaana, inta u ehel ah matalaada iyo maaraynta danta caamka ah sida Culimada diinta, Cuqaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanku, waxaa lagamamaarmaan ah in ay aragtidooda u mideeyaan (qawl iyo ficilba) kaliya, xal u helidda, hadba wixii nolosha mujtamaca lidi ku ah; kana fogaadaan xafiiltan iyo dood-khilaafeed ku salaysan Dan iyo Darejo shakhsiyadeed ama beeleed. Taas oo sida Aayadani xusayso, lumisa awooda ay ummadi midnimada ku leedahay, fashilisana gaadhista hadafkeeda nololeed. (وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ
رِيحُكُمْ ۖ وَاصْبِرُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ).

Waxaa taas daliil u ah, in dhibaatada soo jireenka ah (Abaar iyo colaad joogta ah, cudur iyo cidhiidhi nololeed) ee haysata dadka Somaaliyeed ee ku nool gobolka Ogadenia/S.galbeed, wadaagana dhammaan muqadasaadka Aadamiga mideeya ee kor ku xusan; uu sabab u yahay khilaaf aan hadaf iyo ujeedo nololeed midna lahayn oo gaar ahaan Somaalida gobolkaasi (Ogadenia) ku nool, iyo guud ahaan dadka uu magaca “Somaali” kulmiyaaba; la jaanqaaday bilowgii taariikh-nololeedkooda. Kuna salaysan isnacayb iyo loolan qabyaaladeed oo aan Diin iyo duruuf nololeed midna dan u ahayn.

Taas oo ahayd furihii u sahlay Gumaystayaashi reer Europe in ay Somaalida guud ahaan u qaybiyaan dhowrka maxmiyadood oo weli is diidan; lumisayna mudnaantii iyo awoodi midnimo ee Qoomiyadda Somaalida Ethiopia ay labo arimood oo wada muhiim ah midkood ku gaadhi lahayd: 1) wada-noolaansho ku dhisan cadaalad, sinaan, xaqdhowr iyo is-qadarin, ama 2) Aayo ka tashi (Madaxbanaani) u gaar ah, oo la gaadhi lahaa haddii ay midnimo iyo muwaafaqo jiri lahayd.

Balse ayaandaro, taas badelkeedii waxaa dadka gobolkaas ku nooli ku sugan yihiin “Tiih” la mida kii reer Bani-Israa’iil ee Aayadan ku xusan (قَالَ فَإِنَّهَا مُحَرَّمَةٌ عَلَيْهِمْ ۛ أَرْبَعِينَ سَنَةً ۛ يَتِيهُونَ فِي الْأَرْضِ ۚ فَلَا تَأْسَ عَلَى الْقَوْمِ الْفَاسِقِينَ)! Ama tixdan gabay ee uu abwaan Somaliyeed (Dhoodaan) ku cabiray siyaasad Qaran oo is-bahasiyadii Nato iyo Warso ee xilligii dagaalka qabow (cold war) labo-boglaysay─hadba dhan u ciirtay, taasoo uu yidhi “Inaad gebidhacdaa waa xuntahay ood galgalataaye; Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaanraac’e; Anna gelelefkaygaan rabaa cid aan galaaftaa’e.”

Sidaasi darteed, anaga oo ka kooban dhammaan qaybaha bulsho ee rag, dumar, culimo, cuqaal, siyaasiyiin iyo aqoonyahanba, waxaan Eebe ka baryaynaa in uu dembi-dhaaf, hanuun, naxariis Aduun iyo mid Aakhiraba inga siiyo waajibka Bisha Ramadaan ee aynu gudanayno; Ummadda Somaliyeedna meel ay joogtaba Alle ka cafiyo dunuubta ay ku mutaysatay ciqaabta Eebe ee mudada dheer saaran. Intaas ka dibna, waxaan u soo gudbinaynaa dadka Somaaliyeed ee ku nool gobolka Ogadenia/Somaligabeed soo jeedinta hoos ku qodobaysan:-

1- Midnimada iyo muwaafaqadu waxaa ay badhi-taaraan dadaalka uu qoys, qabiil iyo qaranba u galo ujeedo cayiman─tirada dadeed iyo tabareed, dhaqaale haba yaraatee. La’aan toodna ummadi ma gaadho nolol tayo leh abid! Abwaan Somaliyeed (Cali-xayd Xirsi) oo ka gabyey muhimmada ay midnimadu leedahayna wuxuu yidhi “Mintid tiro yar midhihii bataa kama macaashaane; illayn faruhu miiq kuma filla ee waa mulki abuurtu” Sidaas awgeed, waxaan ku talinaynaa in guud ahaan dadka Somaliyeed ee gobolkaa ku nooli inay u midoobaan danta guud, ee khilaafka soo jireenka ahi habsaamiyey! Kaas oo gaadhay heer ay Somalida kale suugaan ahaan u isticmaasho, sida weedhan caanka ah ee “Somalida Ethiopia ku nooli waa qodax ku muda iyo midaad isga saarto” taas oo macnaheedu yahay: waa dad aanan xeerinin oo aan isugu habran waxa ka dhexeeya ee diin, degaan, dhalasho iyo dhaqanba.

2- Nabaddu waa hogaanka xidhiidhiya noolaha iyo nolosha, ee aan horumar nololeed la gaadhi karin la’aantii; lagama maarmaana ay tahay in lagu raadsho dariikh kasta oo lagu gaadhi karo hadii aanan lahaynin; laguna difaaci karo markii la haysto─dood iyo dagaalba.

Sidaasi darteed, waxaan ku talinaynaa, in guud ahaan shacbiga Somaliyeed ee ku nool gobolka Ogadenia/Somali-galbeed iyo gaar ahaan ururada siyaasadeed ee isla gobolkaasi, siiba kuwa aan weli la jaanqaadin wadahadalada nabadeed ee halkaasi (Ethiopia) ka socda inay fursad tijaabo ah siiyaan; ujeedo midaysana uga qayb-qataan waawaantaasi nabadeed; fuliyaana naseexada iyo awaamiirta Aayadan Qur’aanka kariimka ahi ku xusan (وَإِن جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ).
Taas oo haddii xisaabtan dhaba bacdigeed, laysku afgarto wada noolaansho caadil ah, noqonaysa xal xaajo lagu gaadhay; xinjir iyo xoolana ku badbaadaan. Haddii laysku afgaranwaayana, uu arrinku dib ugu laaban doono halkiisii hore ee ahayd “col yar iyo mid badan Allaa is baday” afkaarta kala gedisan ee dadkana midayn doonta. Fulinta awaamiirta Eebe ee Aayadduhu ina farayaana waa waajib gudashadoodu (وَإِن يُرِيدُوا أَن يَخْدَعُوكَ فَإِنَّ حَسْبَكَ اللَّهُ ۚ هُوَ الَّذِي أَيَّدَكَ بِنَصْرِهِ وَبِالْمُؤْمِنِينَ).

3- Guud ahaan Saxaafadda Somalida (qoraal iyo cod) iyo kuwa sida gaarka ah wax uga qora ama uga hadla arrimaha gobolka Ogadenia; waxaanu ku amaanaynaa hawsha ay hayaan ee ah baahinta xogta iyo xaaladaha gobolka ka jira. Waxaanuna ku waaninaynaa in uusan dadaalkoodu noqonin “xoog doofaar lagu eryey” oo ay ka fogaadaan aflagaado iyo erayada bulshada kala irdhayn kara, midnimadeedana naafayn kara. Waayo, dhaawaca afku waxaa uu dhaqan iyo Diinba ka xun yahay kan Waranka. Gabayaa Somaliyeedna (Salaan Carabey) isaga oo tilmaamaya baaxadda jareexada Carabka waxa uu yidhi “xubin Rag isku waajahay haddii uu Xayga ka cadaado; afku wuxuu la xoog yahay Megliga xawda kaa jara’e”.

Sidaasi darteed, waxaan codsanaynaa in la joojiyaa erayada xun xun sida: “Daba-dhooqi iyo kooxda ina hebel iwm” Gebogebadii qormadan waxaan ku khatimayaa: (هَٰذَا بَلَاغٌ لِّلنَّاسِ وَلِيُنذَرُوا بِهِ وَلِيَعْلَمُوا أَنَّمَا هُوَ إِل
َٰهٌ وَاحِدٌ وَلِيَذَّكَّرَ أُولُو الْأَلْبَابِ)

Group Contact: Farah H Noor-Kolley
najmaf@juno.com
Denver, Colorado
USA

Aragtidu waxay gaar u tahay Qoraaga, rasaasna way soo bandhigtay.

rasaas.com